Mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

0
Sunday April 25, 2021 - 12:07:01 in by salman abdi
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

    Mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

Wararka ka imanaya gobolka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax miino lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego oo lagu magacaabi jiray Xassan Gucdur

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo xalay saqdii dhexe lagula eegtay gudaha degmada Wanlaweyn oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa.

Ciidamada dowladda Siomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose oo isla xalay gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaanno arintan la xiriira laakiin lama sheegin cid loo qabtay dilka guddoomiyaha.