Dagaal Beeleed Saaka ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne

0
Wednesday May 05, 2021 - 11:13:34 in by salman abdi
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleed Saaka ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne

    Dagaal Beeleed Saaka ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Beeleed Saaka ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo wada dega Galbeedka magaalada Baledweyne ayaa ka socda deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan ilaa 6KM dhinaca Galbeed.

 

Dagaalkan oo qarxay aroornimadii hore ee saakay ayaa la sheegay inuu ka bilaawday muran la xariira lahaan shiyaha dhul beereed ku yaala deegaankaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya deegaanka Haarcadeey ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay deegaanka Haarcadeey, isagoona ku baaqay si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay iney geynayaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka goobta aay ku dagaalamayaan labada Maleeshiyo beeleed si loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo ee saaka ka qarxay duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.