Maraykanka Oo U Yeedhay Safiirkiisi Muqdisho Si Uu U Gudbiyo Liiska Dadka Diidan Doorashada Soomaaliya

0
Thursday May 06, 2021 - 15:19:54 in by salman abdi
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo U Yeedhay Safiirkiisi Muqdisho Si Uu U Gudbiyo Liiska Dadka Diidan Doorashada Soomaaliya

    Maraykanka Oo U Yeedhay Safiirkiisi Muqdisho Si Uu U Gudbiyo Liiska Dadka Diidan Doorashada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo U Yeedhay Safiirkiisi Muqdisho Si Uu U Gudbiyo Liiska Dadka Diidan Doorashada Soomaaliya Dowlada Mareykanka ayaa cadaadis xoogan ku saareysa hogaamiyaasha Soomaalida qabsoomida doorasho xor iyo xalalaal ah, waxa ayna taa badalkeeda Mareykanka damacsan yahay in talaabo ka qaado dadka qatarta ku ah qabsoomida doorashada. Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya Amp Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray in uu yimaado magaalada Washigton si wax looga weediiyo xaalada Soomaaliya gaar ahaan dadka khatarta ku ah qabsoomida doorashada. Yamamoto ayaa shalay ka sheegay shir ay yeesheen Beesha Caalamka iyo Ra’isul Wasaare Rooble in looga yeeray caasimada Mareykanka si uu warbixin uga siiyo dowlada dadka ka shaqeenaya in ay dib u dhigaan doorashada khatarna ku ah amaanka Soomaaliya. Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka digay in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya , waxa uuna cadeeyay in dowlada Mareykanka diyaar u tahay in ay taageerto qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo Soomaaliya ka dhacda. Dowlada Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay in talaabooyin ay kamid yihiin xayiraad kusoo rogi doonto hogaamiyaasha Soomaalida ee loo arko in khatar ku yihiin amaanka Soomaaliya kana soo horjeeda in doorasho dhacdo