Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha Guud.
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley
Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha Guud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu
maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna
maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman.
Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda
Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha
dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa
wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.
Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda
Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari
doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo
badhtamaha Afrika.
Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale,
allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u
noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku
dhaqan qaarada Afrika.
Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirada
wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo
Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga
caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo
xubno ka mida boodhka dekeda Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha Guud.
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha Guud.