Deni Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Itoobiya Iyo Madaxtooyada Puntland Oo Ka Hadashay.

0
Friday May 07, 2021 - 15:19:51 in by salman abdi
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Itoobiya Iyo Madaxtooyada Puntland Oo Ka Hadashay.

    Deni Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Itoobiya Iyo Madaxtooyada Puntland Oo Ka Hadashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deni Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Itoobiya Iyo Madaxtooyada Puntland Oo Ka Hadashay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay magaalada Garowe ayaa gaaray dalka Itoobiya, Safarka madaxweyne Deni waxaa xaqiijisay madaxtooyada Puntand, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas. "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar gaar ah ku aaday dalka Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Itoobiya ayaa xuduud aad u dheer la wadaagta degaanada Puntland, waxaana labada dhinac ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo iskaashiga dhinacyada amaanka iyo wax wada qabsiga. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu itoobiya uga sii gudbi doono Nairobi oo la filayo inuu kula kulmo wakiilo ka socda beesha caalamka isagoo kala hadlaya isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirarka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee dhowaan lafilayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.