Ciidamada Ammaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa habeen hore xaafadda Xero-awr ka qabqabtay in ka badan 70 qof oo Dhalinyaro Rag ah,
kaddib markii ay howl-gal Roondo ah ka sameeyeen Xaafadaasi oo ay dhowr habeen ka hor rabshado ka sameeyeen Kooxo ciyaal-xaafo ah oo ku dhex shiitamay Xaafado dhexdood.
Dhalinyarada la qabqabtay ayaa la sheegay in laga uruuriyay waddooyinka, Meheradaha Shaah laga cabo iyo goobaha Internet Coffe-ga laga isticmaalo, sida ay goob-joogeyaal warbaahinta u xaqiijiyeen.
Dadka la qabtay oo ay ku jiraan dhalinyaro aan Ciyaal-xaafaha rabshada sameeya ahayn, sida ay goob-joogayaashu sheegeen, kuwaasoo qaar la qabtay iyagoo jaamacado ka soo rawaxay ayaa lagu xabisay Sal-dhiga degmada Ibraahim Kood-buur ku yaalla, halkaasoo ay habeenkii labaad u hoydeen dhammaaan dadkii la qab-qabtay.
Wariye goob-joog ahaa xilliga howl-galku socday ayaa sheegaya inay askartu dadka qabqabanaysay u sheegeen in amar lagu siiyay inay soo xidh-xidhaan dhammaan dhalinyarada ay ku arkaan goobaha waddooyinka ee xaafaddaasi.
Laakiinse wariyuhu wuxuu sheegay inay meheradaha iyo guryo hortooda dhalinyarada qaar ka soo qabteen, taasoo loo arkay xad-gudub ka badbadin ah oo dad aan waxba galabsan loogu soo gabanayo dad shido-wadeyaasha.
Dhinaca kale, dad ka mid ah ehelada dhalinyarada Bilaysku xaaqay, oo sheegay inay saldhiga u booqdeen si ay carruurta laga xidhay Gogol ugu geeyaan ayaa sheegay in habeen hore loo diiday inay arkaan dhalinyarada ka xidh-xidhan, gogolna loo geeyo.
Waalidiinta ayaa loo diiday inay Gogosha u geyaan dhalinyarada ka xidhan, isla markaana lagu celiyay wax kasta oo ay u sideen marka laga yimaaddo cashada oo dirqi loogu ogolaaday ayaa sheegay "Weli way xidhan yihiin, waxaana taliska Sal-dhigu noo sheegeen in beri (Maanta) la kala saari doono kuwa gaangiska ah iyo dhalinyarada kale ee la iska soo qabqabtay”.sidaasi waxa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay mid ka mid ah waayeelka xaafadda Xero-awr.
Waayeelka xaafaddu waxay ku dooddeen inaan la qabqaban oo qudha kuwii dhibaatada amni darrada ah lagu eedeynayay ee Arday Jaamacado ka soo rawaxday iyo kuwo iskaga caweynayay goobaha lagu kulmo laga xidhay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska oo ku saabsan howl-galkan, hase ahaatee Digniino uga soo baxay Ciidanka ayaa waalidiinta iyo dhalinyaradaba loogu jeediyay inay ciqaab mudan doonaan haddii aanay Waalidku carruurtooda ka hor-istaagin qas-wadanimada, sida uu hore u sheegay Taliyaha booliska Somaliland
"Ciidanka boolisku u ogolaan maayo dhallinyaro kooxo ah oo meel iskugu soo urura oo marka ay doonayaan falal fuliya” ayuu yidhi, Taliye fadal oo saxaafadda la hadlayey 18-kii bishii hore, waxaanu intaasi ku daray "Waxaan halkan ka sheegayaa si arrintani (Rabshadaha dhallinyarada) isku taagto inaanu dhallinyarada geyn doona gobollada fog-fog, waayo waxay barteen. Waalidka waxaan uga digayaa in aanay hadhow odhanin inankeygu masaajid buu ku jiray, tukaan buu ii hayey, alaabbaan suuqa uga dirtay, waxaasi ka yeeli maynno, booliskana waxaan ka codsanayaa inay gacan bir ah ku qabtaan”
Hawl-gallada ciidamada boolisku ku raafayaan dhallinyarada rabshadaha sameeya ayaan ahayn mid cusub, laakiin waxa ciidamadu hore bishii 9-aad ee sanadkan ay u qabqabteen dhallinyaro iyo tuug ka badan 332, kuwaasi oo dhammaantood la mariyey dariiqa sharciga ah, lana hor-geeyay Maxkamadaha.
Contact@afkashacabka.com
Dhalinyaro Tiro Badan oo Booliska Caasimaddu ka Qabqabteen Xaafadda Xer awr iyo Taliye Fadal oo ka hadlay
Ciidamada Ammaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa habeen hore xaafadda Xero-awr ka qabqabtay in ka badan 70 qof oo Dhalinyaro Rag ah,