Dawladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Ka Laabatay Dacwaddii Badda Ee Kala Dhaxeysa Kenya
Dawladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Ka Laabatay
Dacwaddii Badda Ee Kala Dhaxeysa Kenya Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii soo dhaafay
siweyn waxaa baraha bulshada loogu faafiyay oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ka laabtay dacwaddii
Badda ee kala dhaxeysa Kenya
Ra'iisal Wasaare kuxigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo dhinaca kale
dowladda Soomaaliya uga wakiil dacwaddan ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda ICJ go’aan ka gaari
doonto.
Hadal Qoraal ah oo uu soo dhiggay boggiisa Twitter ka ayuu ku yiri '' "Muranka Badda waxaa dhameystiri
doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan
sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri
Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka.
Marar bada oo hore ayaa sidan oo kale loogu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka laabatay dacwadda
Badda, hasse ahaatee doodda arintan ku saabsan ayaa wali ka furan madaxkadda oo la filayo in ay go'aan
kama danbeys ah ka gaarto.
Dawladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Ka Laabatay Dacwaddii Badda Ee Kala Dhaxeysa Kenya
Dawladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Ka Laabatay Dacwaddii Badda Ee Kala Dhaxeysa Kenya