Gudaha:-Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay In Dib Loo Soo Celinaayo Seereyaasha Dalka

0
Sunday May 09, 2021 - 16:18:36 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay In Dib Loo Soo Celinaayo Seereyaasha Dalka

    Gudaha:-Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay In Dib Loo Soo Celinaayo Seereyaasha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay In Dib Loo Soo Celinaayo Seereyaasha Dalka Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shugri Xaaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in seereyaasha dawladu dhawaan xidhi doonto ay ka mid yihiin Bancawl, Aroori, banka cashuura, banka xudun, banka Tuunyo iyo banan kale.

Wasiir Sugri Baandare waxay sheegtay in kooxo ka tirsan wasaaradda degaanku ay u baxeen sidii ay uga hawl-gali lahaayeen banankaas, si looga faa’iidaysto xili roobaadkan hadda lagu jiro, waxaanay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaaya xidhitaanka seereyaasha si looga faa’iideeyo bulshada xoolo dhaqatada ah.


Ugu dambayn wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay guud ahaan bulshada ku nool degaanada ay banankaas la xidhi doonaa ku yaalaan u soo jeedisay in ay wasaraadda gacan ka siiyaan sidii loo daryeeli lahaa, ciddii dhex deganina ay ka guuraan, maadaama oo wasaaraddu qorshaysay sidii looga faa’iidaysan lahaa banankaas, oo waxtar u leh xoolaha iyo ugaadhaba