
Wariye Cabdiraxmaan Fantastic Oo Ka Warbixiyay Jidh Dil Loog Gaystay Xaafada Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa
Wariye Cabdiraxmaan Fantastic Oo Ka Warbixiyay Jidh Dil Loog Gaystay Xaafada Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa
Cabdiraxman Cabdillaahi Maxamuud (Fantastic), oo ah wariye ka
hawl gala magaalada Hargaysa, ayaa koox loo malaynayo in ay yihiin sirdoon jidh dil u gaysteen kadib
markii uu damcay in uu u gurmado gabadh ka barooranaysay guri ay jaar yihiin, xaafada Masalaha ee
Hargaysa.
Wariyaha oo sawiro uu iska qaaday isaga oo dhawac ah ay baraha bulshada ku faafeen, ayaa saxaafada uga
waramay sida ay dhawacyadu kusoo gaadheen.
"Habeenkii Sabtidu soo galaysay salaadi cishaayi kadib
ayaan guriga imid. kadibna waxan maqlay gabadh ka barooranaysa guri aanu jaarnahay, kadibna waan
daalanayoo waan iska jiifsaday” ayuu Fantastic saxaafada u sheegay.
"Kadibna 12:00 habeenimo ayay baroortii dib u bilaabantay, xafadii ayaa isoo kicisay oo igu tidhi waar bal
orod soo eeg gabadhan ooyaysa, marka waxanu maqlaynay rag gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka
ooyayso ka hadlaya”.
"Kadib waxan soo qaatay bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan wargaliyay nin aanu saxibnahay oo
sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibada usoo baxay ayaan la kulmay askari millateri ah oo
meesha maraya, kadibna waxan waydiistay inuu ila soo fiiriyo guriga ay gabadhu ka ooyayso” ayuu
hadalkiisa ku daray.
Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen albaabkii guriga ay gabadhu ka
barooranaysay ay ka fureen niman hubaysan oo aan xidhnayn wax labis ciidan ah, kadibna ay jidh dileen
isaga iyo askarigiiba. "Markaanu albaabkii garaacnay ayay nagu yidhaahdeen "waa ayo” kadibna askarigii
baa ku yidhi "waa askariye fura” kadibna intay dib u bexeen ayay qoryo soo qaateen, kadibna intay
albaabkii fureen ayay na waydiiyeen waxa aanu doonayno”.
"Askarigii baa ku yidhi "waa maxay gabadha meesha ka qaylinaysa” kadibna waxay ugu jawaabeen
"meeshu waa xero ciidan oo waad soo weerarteen” intaa kadibna garaacis bay nagu bilaabeen iniga iyo
askarigiiba”. "Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu dirac
kaliya ayay xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”. "Kadibna mid iyaga kamida ayaa
yidhi "waar maxabiista meel layskuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray inantii” ayuu hadalkiisa kusii
daray.
Wariye Fantastic ayaa sheegay in sarkaal kii uu markii hore ku wargaliyay dhacdada uu lasoo hadlay
kadibna uu telefon ka ugu dhiibay mid kamida nimankii haystay, intaa kadibna ay goobta yimadeen Axmed
Muuse Biixi iyo rag kale oo sarakiil ah.
Fantastic ayaa intaa ku daray in Axmed Muuse Biixi uu raali galin kabixiyay jidhdilkii loo gaystay, sidaana
lagu soo dayay, waxanu sheegay in aan wax faahfaahin ah laga siin waxa meesha ka socday.
Inkasta oo uu wariyuhu sheegay in raga jidh dilka u gaystay oo uu ku qiyaasay 6-7 nin aanu garanayn waxa
ay yihiin, ayaa waxa ay ubadantahay in ay ahayen koox sirdoon ah oo danbi baadhis ku jirtay
Wariye Cabdiraxmaan Fantastic Oo Ka Warbixiyay Jidh Dil Loog Gaystay Xaafada Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa
Wariye Cabdiraxmaan Fantastic Oo Ka Warbixiyay Jidh Dil Loog Gaystay Xaafada Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa