Yoweri Museveni Oo Markii Lixaad Loo Dhaariyey Xilka Madaxweynaha Dalka Uganda
Yoweri Museveni Oo Markii Lixaad Loo Dhaariyey Xilka
Madaxweynaha Dalka Uganda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada
dalkaas Museveni ayaa ku guuleystay doorasho uu muran badan ka dhashay oo ka dhacday Uganda bishii
January ee sanadkan.
Waxaana sii weyn loo adkeeyay amniga Magaalada caasimadda ah ee Uganda oo illaa shalay ay ku
qulqulayeen madax afrikaan ah oo lagu casuumay caleemo saarka Museveni Waxaa caleemo saarka
madaxweynaha Uganda ka qeybgalay madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo South Sudan,
Namibia, Zimbabwe iyo qaar kale.
Booliska Uganda waxay sheegeen inay xireen in ka badan 40 qof oo qorsheynayay inay carqaladeeyaan
munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha oo maanta ka dhaceysa Kambala.
Museveni ayaa sanadkii 1979 gacan ka gaystay in awoodda laga tuuro Madaxweynihii hore ee Uganda Idi
Amin, Wuxuuna xukunka dalkaas la wareegay sanadkii 1986-dii.
Yoweri Museveni Oo Markii Lixaad Loo Dhaariyey Xilka Madaxweynaha Dalka Uganda
Yoweri Museveni Oo Markii Lixaad Loo Dhaariyey Xilka Madaxweynaha Dalka Uganda