"Dad cadaan ah iyo eydooda ayaa la badbaadiyay, halka Afrikaanka laga tegay"

0
Saturday May 15, 2021 - 11:57:53 in by salman abdi
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dad cadaan ah iyo eydooda ayaa la badbaadiyay, halka Afrikaanka laga tegay"

    "Dad cadaan ah iyo eydooda ayaa la badbaadiyay, halka Afrikaanka laga tegay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad cadaan ah iyo eydooda ayaa la badbaadiyay, halka Afrikaanka laga tegay"

Dad ka badbaaday weerar uu ururka "Al-Shabaab" ee Mozambique ku qaaday magaalada Palma ee gobolka Cabo Delgado ee dalkaas ayaa sheegay in hawlgal lagu samata-bixinayay mudnaanta la siiyay dad cadaan ah.

Warbixin ay hay'adda Amnesty International la diyaarisay dhacdadaas ayaa lagu sheegay ku dhawaad 200 oo qof oo Afrikaan ah iyo qiyaastii 20 cadaan ah ay gabbaad ka dhigteen huteelka Amarula Palma markii ay magaalada Palma weerar ku soo qaadeen mintidiinta 24-kii March.

"Dad goobjoogayaal ahaa ayaa noo sheegay in qaab cunsuriyaysan loo kala soocay dadkii huteelka ku sugnaa oo mudnaanta la siiyay cadaanka," ayuu yiri Deprose Muchena oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Maamulaha huteelka Palma oo cadaan ah ayaa la sheegay in laba eey oo uu lahaa uu diyaarad helicopter ah saartay, isagoo goobta uga tegay dadka madowga ah ee khatarta ugu jiray weerarka "Al-Shabaab".

Dyck Advisory Group (DAG) oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo dowladda Mozambique ka caawinaysa la dagaallanka ururkaas ayaa beenisay eedeyntaas.

Asaasaha shirkaddaas, Lionel Dyck ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in warbixinta aanay sax ahayn, ayna shirkaddiisa si faahfaahsan uga warrami doonto sida ay wax u dhaceen.




 

Dadka ka badbaaday weerarka ayaa u sheegay Amnesty International in laamaha ammaanka ee Mozambique iyo shirkadda DAG ay isku khilaafeen cidda ay tahay inay dadka huteelka ku sugan ka badbaadiso weerarka "Al-Shabaab".

Kumanaan qof ayaa ka barakacay Palma

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Kumanaan qof ayaa ka barakacay Palma

Wasaaradda gaashaandhigga ee Mozambique ayaa u sheegtay Amnesty International in ay ka hadli karto oo keliya hawlgallada samata-bixinta ee ay ciidamadeeda ka fuliyeen gobolka Cabo Delgado, isla markaana ay dadka si aan kala sooc lahayn u badbaadiyeen.

Weerarka ay xooggaga Al-Shabaab ee Mozambique ka geysteen magaalada Palma ayaa muujiyay awoodda iyo khatarta uu leeyahay ururkaas oo intii muddo ah ka dagaallamayay gobolka Cabo Delgado.

Maalmo kadib weerarkaas, meydadka 12 qof oo qoorta laga jaray ayaa lagu arkay afaafka hore ee huteelka, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Ururkan oo magaca uun la wadaaga Al-Shabaabka Soomaaliya ayaa doonaya inuu uu Khilaafo Islaami ah ka hirgeliyo Mozambique.

Horraantii March, Maraykanka ayaa ururka "Al-Shabaab" ee Mozambique u aqoonsaday argagixiso xiriir la leh Daacish.