Ciidamada Nabadsugida Baledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne

0
Saturday May 15, 2021 - 18:09:39 in by salman abdi
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nabadsugida Baledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne

    Ciidamada Nabadsugida Baledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabadsugida Baledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoos yimaado degmada Baledweyne.

Howlagalka oo qaatay saacado badan ayay ciidamada Nabadsugida ka sameyeen deegaano dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Taliyaha ciidamada NISA ee degmada Baledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ujeedada howgalkooda uu ahaa ka hortaga weeraro qorsheysan oo aay ka war heleen in Alshabaab kusoo qaadi rabaan magaalada Baledweyne.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeyay oo aay ciidamada Nabadsugida ka fuliyaan meelo ka baxsan magaalada Baledweyne inkastoo aaysan soo bandhigin waxyaabo aay kusoo qabteen howlgalkooda, waxuuna sheegay taliyaha iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab