Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo go'doomisay magaalada Jowhar

0
Sunday May 16, 2021 - 12:22:02 in by salman abdi
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo go'doomisay magaalada Jowhar

    Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo go'doomisay magaalada Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo go'doomisay magaalada Jowhar

Maamulka Hirshabeelle ayaa qeylo dhaantii ugu danbeysay ka saaray xaalada magaalada Jowhar oo uu ku fatahay wabiga shabeelle waxaana mas'uuliyiinta maamulku sheegeen in ay go'doon gashay magaalada Jowhar.

CabdiMahad Cabdullaahi oo ah Wasiirka maareynta masiibooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar wajahayaan xaalad adag oo dhinaca nolasha ah kaddib markii ay fatahaadu hareereysay guud ahaanba magaalada.

Isaga oo wareysi siinayay idaacada VOA ayuu sheegay Wasiirka in dad ku dhaw sida uu hadalka u dhigay 40 kun oo qoys ka barakaceen guryihii ay ku nolaayeen, kuwaa oo aan heysan wax ciirsi

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Maxamed Xusseen ayaa dhawaan dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Jowhar oo uu ku fatahay wabiga shabeelle.