Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda Soomaalida

0
Saturday May 22, 2021 - 08:43:58 in by salman abdi
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda Soomaalida

    Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda Soomaalida

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa lagu taageerray shirka uu garwadeenka ka yahay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ee lagu waddo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu yiri ''Madaxda Soomaaliya waa in ay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,”

Qoraalkan ayaa daba socda war ka soo baxay beesha caalamka oo lagu taageeray shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa shirkan hoggaaminaya kaddib markii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kol hore ku dhawaaqay in arrimaha doorashada uu u daayay Ra'iisal Wasaaraha.