
Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirkii Madaxda Afrika ee Paris.
Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirkii Madaxda Afrika ee
Paris. Xukuumadda Faransiiska ayaa ku casuuntay Somaliland
shirweynaha Madaxda Afrika oo ka dhacay caasimada dalkaas ee Paris.
Safiirka Somaliland ee Faransiiska Mudane Cali Xassan Ismaaciil oo shirkaa ka qeybgalay
ayaa u sheegay wargeyska Dawan inuu ka hawlgelayo sidii bulshada Somaliland u heli
lahayd tallaalka xanuunka Covid19, oo go’aamadii ka soo baxay shirweynahaa ay ku
jireen in laga taageero Afrika helitaanka tallaalada Covid-19.
Safiir Cali Xassan ayaa dhinaca kale sheegay inuu ku ammaanayo bulshada Somaliland
iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hannaankii nabadgelyada
ahayd ee loo qabtay dabaaldegyadii sannadguurada 30aad ee maalinta madaxbanaanida
Somaliland.
Shir madaxeedkii Paris oo salaasadii la soo gebagabeeyey ayaa si weyn loogu taageeray
sidii wadamadda Afrika looga taageeri lahaa dhinaca tallaalka xanuunka Covid 19-ka.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay ku baaqay heshiis
cusub oo Afrika loo sameeyo, taasoo isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ay tilmaameen
kordhinta bartilmaameedyada talllaalka COVID-19 ee loogu talagalay Afrika
dhammaadka 2021-ka.
Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirkii Madaxda Afrika ee Paris.
Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirkii Madaxda Afrika ee Paris.