Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

0
Wednesday June 02, 2021 - 10:59:49 in by salman abdi
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

    Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ayaa sheegtay in ka badan boqolkiiba sagaashan dadka ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay laba boqol oo milyan oo doolar si ay gacan uga geysato quudinta in ka badan shan milyan oo qof oo halkaas ku nool.

Boqolaal kun oo qof oo Tigree ah ayaa horeyba ugu baahnaa gargaar cunno kahor intaanay bilaaban colaadu ku dhawaad 7 bilood kahor.

Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna tirada ayaa sare u kacday iyadoo Qaramada Midoobay Toddobaadkii la soo dhaafay ay ka digtay halis macluul haddii aan la kordhin gargaarka.

Iyadoo heerarka nafaqo-darrida ay sii kordhayaan WFP waxay ku baaqday xabad-joojin si loo helo marin dadka tabaaleysan loogu gaarsiiyo gargaar.

Mar sii horreysayna Britain ayaa ka digtay in waqooyiga Itoobiya ay ka jirto halis macluul oo ba'an, Ergeyga gaarka ah ee UK ee kahortaga macluusha, Nick Dyer, ayaa qiimeyntan sameeyay mar uu booqday gobolkaas ay colaadda saameysay. Mr Dyer wuxuu xaaladdan ku tilmaamay mid musiibo ah, isagoo tusaale u soo qaatay nabadgelyo xumo iyo burbur soo gaadhay qalabkii beeraha iyo goobaha caafimaadka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Wuxuu sharaxay burburka qalabka beeraha, abuurka, iyo, runtii, dhamaan tuulooyinka. Wuxuuna ka digay in tiro aad u fara badan oo ka mid ah dadka ku nool gobolka ay yihiin kuwo aan si fudud loo gaari karin - sabbao la xiriira jid gooyooyinka iyo dagaallada socda awgood.

Mr Dyer wuxuu sheegay in tacadiyada ay weli sii socdaan, isagoo soo qaatay warbixinno naxdin leh oo ku saabsan dil iyo kufsi ka dhacay gobolka.

Arrinta sida gaarka ah looga walaacsan yahay ayaa ah burburka soo gaaray xarumaha caafimaad ee ku yaal waqooyiga Itoobiya. Mr Dyer wuxuu ka digay in caafimaad darrada ay tahay halista ugu badan.

Ciidamada ka socda Ereteriya ayaa wali ka dagaallamaya gobolka - ka dib markii ay casuumaad ka heleen Itoobiya si ay uga caawiyaan jabinta kacdoonka ay wadaan xoogagga deegaanka ee Tigreega, kuwaas oo hadda maamulka Itoobiya ku tilmaameen argagixiso.

.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Ra'iisel wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Maarso qirey markii ugu horeysay in ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigreega ka dib dagaalkii bishii November.Muddo bilo ah ayay labada dalba beeniyeen in ciidammadaasi ay ka gudbeen xadka.Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ciidamada Eriteriya ay yimaaddeen iyagoo ka baqaya in ay weeraro uga yomaaddaan dagaalyahanada gobolka ee Tigray.Iska hor imaadkan ayaa bilawday kadib markii Jabhada Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo kuyaala gobolka.