Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar

0
Thursday June 03, 2021 - 11:53:08 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar

    Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar Wafdigan uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda aay u duulaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka sh/dhexe.


Safarka wafdiga Raysal wasaare Rooble maanta ku tagayaan magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa inuu la xariiro u kuur galida xaaladaha bini'aadanimo ee ka jirta degmada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada ee ka dhalatay fatahaadii uu dhawaan ka geystay wabiga Shabeelle.

Waxaa sidoo kale ka mid ah qorshaha safarka Raysal wasaare Rooble xalinta tabashada laga qabo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo noqday mid daba dheeraatay.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa maanta ah mid si aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan.