Soomaaliya oo bisha September lumin karta xuquuqda codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

0
Thursday June 03, 2021 - 17:22:47 in by salman abdi
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo bisha September lumin karta xuquuqda codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Soomaaliya oo bisha September lumin karta xuquuqda codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo bisha September lumin karta xuquuqda codbixinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya iyo dalal badan oo kuyaala afrika iyo bariga dhexe ayaa lumin kara xuquuqdooda codbixinta Golaha Guud qaramada midoobay sida lagu sheegay warqad la faafiyey Arbacadii shalay.

 

Dalalkan ayaa lagu leeyahay xuquuqda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay oo gaaraysa malaayiin dollar.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud Volkan Bozkir ku sheegay in seddex wadan oo Afrikaan ah oo kala ah, Comoros, Sao Tome and Principe, iyo Somalia ay wali ka codayn karaan kalfadhiga hadda socda oo ku eg Sebtember.

Axdiga Qaramada Midoobay ee ay ku midaysan yihiin 193 waddan, ayaa dhigaya in xubnaha deyntoodu ka badato xaddiga tabarucaadkooda ay luminayaan xuquuqdooda codbixinta.

Sida ku xusan warqadda xoghayaha guud, lacagta Soomaaliya lagu leeyahay si loogu soo celiyo xuquuqda codbixinta waa $1,443,64.

Dalalka kale ee lagu leeyahay lacagahani waxay kala yihiin, Comoros$ 871,632, Sao Tome and Principe $ 829,888, Iran, $16,251,298 iyo Chat $29,395.

Bisha September ee sanadkan, haddii dalalkan aysan bixin deymaha lagu leeyahay golaha guud cod kuma lahaandoonaan.