Wefti ka socda dalka ethopia ayaa shalay gelinkii dambe dalka soo gaadhay waxan weftigaasi Madaarka cigaal kusoo dhoweeyay Xubno kamid ah Masuuliyiinta xukumadda.
Ujeedada weftigan ayaa la xidhiidha Isticmaalka Dekedda Berbera, Dhismaha Jidka isku xidha labada Dal, Korontada iyo Tareen labada dal isaga gooshi doona.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa qoraal uu bogiisa facebook ku baahiyay faahfaahin kaga bixinaya dulucda socdaalka weftigan iyo waxa ay ka wada hadli doonaan.
Waxana qoraalka wasiirku udhignaa Sidan
Waxaanu ka wada hadli doonnaa "Xoojinta xidhiidhka labada Dal, dhiirigelinta Ganacsiga & Maalgashiga, kor-u-qaadida kaabayaaasha dhaqaalaha sida Dekeddaha iyo Waddooyinka iyo sidoo kale tayeynta tamarta Korontada”
Waxaa abaaro afartii galabnimo "4pm” ee maanta/Shalay kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport wafti miisan culus oo kasoo kicitimay dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia
Waftigan oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada dawladda Ethiopia ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Maaliyada Mr. Axmed Sufiyaan.
Ujeedada waftigan ayaa salka ku haysa sidii aanu ka dawlado ahaan uuga wada hadli lahayn xoojinta xidhiidhka labada dal, dhiirigelinta ganacsiga & maalgashiga, kor-u-qaadida kaabayaaasha dhaqaalaha sida dekeddaha iyo waddooyinka iyo sidoo kale tayeynta tamarta korontada.
Dhamaan qodobadan oo door weyn ka qaata horumarka ayaanu rajaynaynaa in ay noogu soo dhamaadaan is afgarad haduu Alle idmo.
Waftigan ayaanu u bandhigi doonnaa in ay Somaliland buuxisay dhamaan shuruudaha maalgashiga oo ay uugu muhiimsan yihiin nabadda, dimuqraadiyadda iyo xeerarka caalamiga ah ee Maalgashiga-ba
Somaliland waa dal dihin isla markaana leh deegaano nabdoon iyo dad diyaar u ah wax qabsi.
Contact@afkashacabka.com
Wasiirka Madaxtooyadda Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Ujeedada Socdaalka Wefti Itoobiyaan Ah Oo Dalka Soo Gaadhay
Wefti ka socda dalka ethopia ayaa shalay gelinkii dambe dalka soo gaadhay waxan weftigaasi Madaarka cigaal kusoo dhoweeyay Xubno kamid ah Masuuliyiinta xukumadda.