Maayirka Iyo Ku-Xigeenka Magaalada Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Xisbiyadda Mucaaradka Ah Oo Isku Filaysiiyay Gaadhay.
Maayirka Iyo Ku-Xigeenka Magaalada Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Xisbiyadda Mucaaradka Ah Oo Isku Filaysiiyay Gaadhay.
Xoggo rasmi ah oo aanu ka helnay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in kulan ay yeesheen shalay hoggaanka Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku heshiyeen inay kala qaataan Maayarka iyo ku-xigeenka Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.
Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid albaabadu ay u xidhnaayeen,waxaana la sheegay inay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo masuuliyiin kale
Dhanka kalena Xoggaha aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID oo ay hoggaaminayeen Faysal Iyo Cirro ay ku heshiyeen inay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ay kala qaataan Maayarka iyo ku-xigeenka Magaalada Hargeysa,maddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golaha Degaanka Magaalada Caasimadda dalka ee Hargeysa.
Waxa kale oo ay sheegeen xogguhu in Gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo masuuliyiinta kale ee labadaas Xisbi ay ku heshiyeen in Maayarka uu qaatay Xisbiga WADDANI ,isla markaana loo doorto Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge,halka Maayar ku-xigeenkana ay isla qaateen in loo doorto Xildhibaanka da’da yar Khadar Axmed Cumar oo kamid ah Xildhibaanada ka soo baxay Xisbiga UCID, islamarkaana ah shaqsi aqoon iyo karti badan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada Xisbi eeWADDANI iyo UCID,marka laga yimaado xoggahaas aanu ka helnay illo wareedyadda rasmiga ah ee sheegay in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku kala hagaageen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaalada Hargeysa,waxaanay tani soo afjaraysaa loollalankii loogu jiray labadaa kursi ee Caasimadda oo bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay u dhegtaagayso in wax kabadel lagu sameeyo maamulkii hor