Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Sheegay In Somaliland Ay U Qalanto Ictiraaf Calaami Ah

0
Wednesday June 09, 2021 - 10:04:19 in by salman abdi
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Sheegay In Somaliland Ay U Qalanto Ictiraaf Calaami Ah

    Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Sheegay In Somaliland Ay U Qalanto Ictiraaf Calaami Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Sheegay In Somaliland Ay U Qalanto Ictiraaf Calaami Ah Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ee Arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in Somaliland laga qaado Afti ay Qarammada Midoobay damaanad qaaday. Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitterka oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, ayuu ku sheegay in ay Somaliland geydo in Afti lamid ah tii Eritrea laga qaaday sannadkii 1993-kii laga qaado,isla markaana ay Qarammada Midoobay damaanad qaado aftidaas. Waxa uu sidoo kale Mr Tibor tilmaamay in Somaliland ay u qalanto ictiraaf calaami ah oo ay ku kasbanayso guulaha ay gaadhay iyo Qarannimadeeda shaqaynaysa muddada dheer, waxa uu soo jeediyey in dadka reer Somaliland loo ogolaado in ay go’aan qaataan. Mr Tibor ayaa hore taageero weyn ugu muujiyey Somaliland,isaga oo doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ka sameeyey qoraalo uu intooda badan ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahinta caalamiga ahba.