"Doorashadii Qabsoontay Waxay Furaysaa Albaabka Aqoonsiga Qaddiyadeena" Xildhibaan Faratoon
"Doorashadii Qabsoontay Waxay Furaysaa Albaabka Aqoonsiga Qaddiyadeena" Xildhibaan Faratoon. Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kamid ah
mudaneyaasha ku soo baxay doorashadii golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana
Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa iftiimiyay sida
ay qadiyada aqoonsiga Somaliland wax wayn uga tarayso doorashooyinkii isku sidkanaa
ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii May.
Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo intaanu u tartamin mudanaha golaha
wakiilada, hore u ahaa wasiirka arrimaha dibedda dalka. Xog ogaalna u ahaa qadiyada
aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana albaabo badan u garaacay in qaranka
Somaliland ictiraaf ka helo caalamka, ayaa sheegay in Somaliland guusha uga soo
hoyatay Doorashada isku sidkani ay sabab u noqon doonto in dalku uu ictiraaf helo.
Waxaanu intaa raaciyay in doorashada Somaliland ka qabsoontay ay durba qabsatay
warbaahinta caalamka kuwooda ugu waawayn. Mudane Faratoon oo waraysi kooban
siiyay wargeyska Dawan kana hadlayay doorashada qabsoontay guusha
dublamaasiyadeed ee ay Somaliland u soo hoynayso ayaa yidhi "Marka hore ALLE.ayaa
mahad leh oo guul iyo nabad gelyo inoogu dhameeyay doorashooyinkii, marka labaad
waxaan uga mahad naqayaa Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku
dhiiraday in ay Dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin illaa Xukuumadihii ka horeeyay
ku muddo dhaafay, waxaa kale oon hambalyaynaya gudida doorashooyinka oo qabtay
Doorasho daah furan oo hufan.
Waxaa kale oo aan bogaadinayaa çiidamada dalka oo heegan buuxa u galay sugidda
nabad gelyada iyo illaalinta doorashada. Waxaan la ilaawi karin oo bogaadin mudan shacbiga Somaliland ee u kacay in ay codkooda dhiibtaan. Waxaan si gaar ah u
bogaadinayaa bulshada gobolka Sool ee codkooda igu soo saaray. Ugu dambayn waxaan
hambalyaynaya dhamaan asxaabta qaranka iyo mudaneyaasha soo baxay.”
Mudane Faratoon oo ka hadlaya arrinta ictiraafka Somaliland ayaa yidhi "Doorashooyinka
inoo qabsoomay illaa maalintay dadku u dareereen in ay codkooda dhiibtaan iyo illaa
imika warbaahinta caalamka oo dhan waxa lagaga faaloonayaa doorashooyinka inoo
qabsoomay, intaa waxaa inoo dheer muddo badan, ayaan qadiyada aqoonsi raadinta
qaranka u soo maray dalal badan, waxyaabaha doodaheena hortaagnaa waxaa ka mid
ahaa qabsoomid la’aanta doorashada wakiilada oo muddo badan fadhiyay, waxaana la
inaga sugayay in aynu ka dhabayno dimuquraadiyada aynu qaadanay.
Doorashada inoo qabsoontayna waxay Somaliland u furaysaa Albaabka aqoonsiga
Somaliland, sababta ah waxaynu ku tallaabsanay wax aan ka dhicin mandaqada aynu ku
nool nahay, Durbana waxaa bilaabmay doodo warbaahinta dunidu soo bandhigayso oo la
xidhiidha aqoonsiga Somaliland.”
"Doorashadii Qabsoontay Waxay Furaysaa Albaabka Aqoonsiga Qaddiyadeena" Xildhibaan Faratoon
"Doorashadii Qabsoontay Waxay Furaysaa Albaabka Aqoonsiga Qaddiyadeena" Xildhibaan Faratoon.