Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump

0
Thursday June 10, 2021 - 08:54:15 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump

    Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump

Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat.

Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin.

Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay.

Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden.

TikTok kama uusan hadlin arrintan.

Trump ayaa sanadkii hore amray inaan lala soo degin app-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee Bytedance.

Wuxuu markaas ku sheegay inay khatar ku tahay ammaanka Maryekanka.

Waxaa la soo jeediyay in shirkadaha Oracle iyo Walmart ay qaadaan mas'uuliyadda maamulka xogta TikTok ee gudaha Mareykanka.

Balse dacwado badan oo lagu furay iyo Mr Trump oo xilka ka sii degayay awgood, in la mamnuuco bartaas iyo in shirkadaha Maryekanka ay ku lug yeeshaan midkoodna ma miro dhalin.

Ururinta xogta

Madaxweyne Biden ayaa amarkiisa ku sheegay in dowladda federaalka ay qiimeyn doonto khataraha ay sababi karaan baraha Shiinaha laga leeyahay , iyadoo qiimeynta lagu saleynayo xaqiiqda.

Wuxuu garwaaqsadan in barahan ay "dadka isticmaala ka heli karaan xog badan".

"Xog ururintan waxay sababi kartaa halis ah in ajaanibtu ay helaan xogtaas," ayuu yiri.

TikTok waxaa bil walba adeegsada ilaa 80 milyan oo Ameerikaan ah.

Ashley Gorski, oo ah qareen sare ayaa soo dhoweysay go'aanka lagu laalayo mamnuuciddaas.

"Madaxweyne Biden wuu ku saxan yahay inuu laalo amarrada sare ee maamulkii Trump, kuwaas oo carqaladeynata xuquuqda ay Mareykanka ku leeyihiin dadka isticmaala TikTok iyo WeChat," ayay tiri.

Toddobaadka soo socda, Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, labadooda ayaana la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi dhanka teknolojiyadda iyo ganacsiga ah, taas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo horumarka uu Shiinuhu ka gaaray teknolojiyadda.