Wasiir Hore Caddaani Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday, Farriina U Diray Madaxweynaha
Wasiir Hore Caddaani Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday, Farriina U Diray Madaxweynaha Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo Xukuumaddii hore
ka soo qabtay xilal wasiirnimo gaar ahaan Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Warfaafinta, ayaa ka
hadlay aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhawaan dalka ka dhacay,
waxaanu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland, oo wuu sheegay inuu kaga
dhabeeyey balanqaadkiisii, isla-markaana uu ku dhiiraday inuu Doorashooyinka qabto.
Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika,
wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Tafatirihii Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac
(Rambo), oo ka mid noqday Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, waxaa kale oo wuu hambalyo u diray
Xildhibaanada kale ee soo baxay, ee isagu jira Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, gaar
ahaan Barkhad Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay
"Dad ahaan weynu is muujinay, dal ahaana waynu is muujinay, mar haddii aynu Doorashooyinkii
qabsanay, waxaana mahad oo dhami u sugan tahay ALLE, balse waxaan si gaar ah ugu
mahadnaqayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, mar haddii wuu
qabtay oo muddo dheer aan la qaban, Madaxweynuhuna Doorashooyinkii dib inooga dhici jiray si
sharaf, milgo, maamus iyo gobonimo leh ayuu ka yeelay, si xasilooni ku jirtana way inoogu
dhaceen, markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne aad iyo aad baan uga
mahadnaqayaa sida aad ugu badheedhay inaad dalka ka qabato labada Doorasho oo culayskooda
leh, isla-markaana aad khasnadda Dawladda ka bixiso kharashkii ku baxay Doorashooyinka,
waxaan kale oo aan Madaxweynaha uga mahadnaqayaa sida qiimaha leh ee daacadnimo ku jirto ee
wuu wada tashiga u sameeynayey, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Shacabka reer
Somaliland ee iyaguna sida wacan isku abaabulay, Doorashadana u galay si nabadoon, waxaan kale
oo aan u mahadnaqayaa Ciidamadeena kala duwan ee iyaguna kaalinta weyn ka qaatay sugida
nabadgalyada, iyo inay Doorashooyinku inoogu qabsoomaan si nabadi ku jirto, waxaan kale oo aan
u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka oo iyaguna waajibkii loo igmaday ka soo baxay,
waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa oo aan bogaadinayaa Xisbiyada oo ku wada qancay
natiijooyinkii ka soo baday Doorashooyinka”.
Mar uu ka hadlaayey guusha Tafatirihii Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi "Maxamed Xuseen
Jaamac Raambo, oo ahaa Musharrax ka sharaxan Xisbiga Kulmiye, astaantiisuna ahayd Maroodi, oo
ah astaanta Gobolka uu ka sharaxnaa ee Maroodijeex, waxaan leeyahay hambalyo, waxaana ku
hambalyeynayaa oo aan ku bogaadinayaa guushan oo gaadhay ee uu kaga mid noqday 82 mudane
ee u soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland, runtii Maxamed Xuseen Jaamac Rambo, oo nin
dhalinyaro oo waayo-arag ah, xog-ogaalna u ah xaaladda uu dalku marayo, maadaama uu yahay
saxafi, Wargeyska Geeska Afrikana Tafatire ka ahaa, markaas Maxamed Rambo, waxaan leeyahay
sida wararka la hubo ee xaqiiqada ah iyo barnaamijyada faa’iidada leh aad bulshada ugu soo gudbin
jirtay ayaanu haddana ka filaynaa inaad wax u qabato, waxaana kugu ducaynayaa inuu ALLE kugu
asturo masuuliyada iyo xilka aad qaatay ee Xildhibaanimo”.
Mar uu ka hadlayey Musharixiintii kala duwanaa ee tartanka galay wuxuu yidhi "Waxaan kale oo
aan aad ugu hambalyeynayaa Barkhad Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge, oo iyagu taariikh
dhigay, codad aad u badana helay, waxaana leeyahay hambalyo, waxaan kale oo u hamblayeynayaa
dhammaan Musharixiintii kala duwaana ee guulaystay, waxaana ugu hambalyeynayaa guusha ay
gaadheen, waana ugu ducaynayaa, waxaan kale oo aan farriin u dirayaa Musharixiintii la
tartamayey, waxaana leeyahay waad dadaasheen, waanad tartanteen, balse qadar ALLE , qoraal iyo
calaf baa jira, ciddii ALLE u calfay ayaa heshay, mar haddii ay Doorashooyin qurux badani inoo
dhaceen waynu wada guulaysanay, waxaana idinka mahadnaqayaa sida aad u hanayseen, uguna
hanayseen walaalihiinii idinla tartamayey”.
Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka wuxuu yidhi "Caalamka waxaan leeyahay waad aragtaan oo
markhaati ayaad ka tihiin sida dimuqradiyaddu ku jirto ee aanu Doorashooyinkayaga u qabsanayno,
waanad og tihiin in aanu nahay dal jira oo madax banaan, oo hay’addihiisii dawliga ahaa u dhan
yihiin, ee waxaa haboon inaad nagu qiimaysaan waxaanu qabsanay, oo aad na siisaan aqoonsiga
aanu xaqa u leenahay, maxaa yeelay waxaanu nahay dal jiray, haddana jira, jiri doonana, cid aanu
qaranimadayada u daba fadhiisanayna ma jirto”.
Wasiir Hore Caddaani Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday, Farriina U Diray Madaxweynaha
Wasiir Hore Caddaani Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday, Farriina U Diray Madaxweynaha