Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Bishii Hore Ee May
Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Bishii Hore Ee May Dawladda Taiwan, ayaa ka hadashay Doorashadii Goleyaasha
Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ka dhacday 31-ka bishii May ee sannadkan
2021.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan Jaushieh Joseph Wu oo qoraal ku
baahiyey Twitter-ka, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku Hambalyeeyay qabashada
doorashada Baarlamaanka iyo Deegaannada, taasi oo uu Wasiirku sheegay inuu
Madaxweynuhu qabashadeeda hore u ballan-qaaday.
"Waa mudnaan weyn in Balanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa qabashada
doorashooyinka (la fuliyey) ayaa ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta
dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan, waxaanu intaa ku
daray "Somaliland waa Tusaale mudan in lagu daydo..”
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan wuxuu ballan-qaaday in Dawladdiisa Taiwan si
dhow ula shaqayn doonto Somaliland "Taiwan waxay si dhaw ula shaqeyn doonaa
dawladda Somaliland”
Taiwan ayaa doorashada Somaliland kaga qayb-qaadatay Lacag gaadhaysa 2 Million oo
dollar.
Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Bishii Hore Ee May
Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Bishii Hore Ee May