Rajada Aqoonsi Caalami ah oo ay Somaliland Hesho" Warbaahin Caalami Ah Oo Boogaadisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday 31 May
Rajada Aqoonsi Caalami ah oo ay Somaliland Hesho" Warbaahin Caalami Ah Oo Boogaadisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday 31May Warbaahinta Walesonline oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska
ayaa bogaadisay doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka qabsooomay Jamhuuriadda
Somaliland 31-kii May, 2021, taas oo ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, xor iyo xalaal
ah, isla markaana abuuraysa rajo ah in ay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.
Walesonline ayaa warbixin dheer ka diyaarisay hannaankii ay u dhacday doorashooyinkii
Somaliland oo ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, geedi-socodka dimuquraadiyada qaangaadhay ee Somaliland, ammaanka iyo xasiloonida dalka ka jirta, dhaqaalaha,
waxbarashada iyo horumarka ka hanoqaaday Somaliland.
Warbaahinta Walesonline oo ciwaan looga dhigay ‘Doorashadii dhawaan ka dhacay
Somaliland iyo rajoda laga qabo ictiraaf caalami ah’.
Qoraalkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan "Doorashooyinka
baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la qabtay 31-
kii bishii May. Somaliland oo ah dal ku yaal bari Afrika ayaa ah dal iskii isu xukumayay
muddo 30 sanno ah, laakiin weli aan laga aqoonsan adduunka.
Waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya Wales iyo Somaliland oo soo taxnaa ilaa qarnigii
19aad, markii Cardiff ay ahayd mid kamid ah dekedaha ugu waaweyn ee dhuxusha laga
dhoofiyo, xiligaas oo badmaaxiinta reer Somaliland-na ay ku biireen shaqaalaha
maraakiibta Ingiriiska.
Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd Maxmiyad Ingriis ah ilaa 1960 wixii ka horreeyay,
xiligaas oo ay ku biirtay dalkii deriska la ahaa ee Soomaaliya oo ahaan jirtay dal uu
gumeysan jiray Talyaanigu. Laakiin Somaliland waxay muddo badan ku noolayd inay ka
qoomamayso ku biirista dalkii koonfurta ee Soomaaliya, gaar ahaan wakhtigii uu
dalkaasi hoggaaminayay kali-taliyihii Siyaad Barre.
Somaliland, waxay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, kadib markii
Siyaad Barre xukunka laga tuuray kacdoon ay sameeyeen reer Somaliland, wakhtigaasi
oo ay dib u soo ceshatay xoriyadeedii luntay.
Soomaaliya hadda waa dal fashilmay oo aan jirin, isla markaana adduunka intiisa kale ka
walaacsan yahay, waa waddan guuldarreystay oo aan lahayn dowlad shaqaysa, isla
markaana ay ka awood badan tahay kooxda argagixisada ee Isamic Al-Shabaab iyo
budhcad-badeedda ku xeeran xeebaheeda.
Taas bedelkeeda, Jamhuuriyadda Somaliland, soddonkii sanno ee ugu dambeeyay waxay
ahayd dawlad jirta oo ku naaloonaysa xasillooni, dimoqraadiyad shaqeyneysa illaa
sannadkii 1991. Iyada oo doorashooyinka ay Somaliland hirgelisayna ay horseedeen in
madaxweynayaashu xukunka isugu wareejiyaan si ammaan ah oo horumar leh.
Dhawaan markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada baarlamaanka iyo golayaasha
deegaanka, xisbiyada mucaaridka ah ayaa kaga adkaaday xisbiga talada dalka haya, ma
jirin wax rabshado ah oo ka dhacay waddooyinka ama eedeymo xanaf leh oo ku saabsan
in doorashada la musuq maasuqay.
Taa badalkeed, kormeerayaasha caalamiga ah ee ka socday UK iyo 11 dal oo kale oo
Yurub ah iyo Midowga Yurub ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku amaanayaan
qaabka doorashada Somaliland loo qabtay.
Waxay yidhaahdeen, "Saaxiibada caalamku waxay ku hambalyaynayaan shacabka
Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, komishanka doorashooyinka qaranka iyo hay’adaha
kale ee dawlada sida wanaagsan ee ay u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo
goleyaasha deegaanka ee 2021 iyo habsami u socodka doorashooyinka.
Doorashooyinkan, dadka reer Somaliland waxay muujiyeen ballanqaad adag oo ku
aaddan geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta
dimuqraadiyadda.
Waxaan si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee kooxaha laga
tirada badan yahay ee Golaha Wakiilada iyo tirada badan ee dhalinyarada murashaxiinta
ah ee la doortay.
Si kastaba ha noqotee, doorashadooyinka ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland waxay
horseed u noqonaysaa ama ay keenaysaa caddeyn dheeraad ah oo muujinay mudnaanta
ah in ay hesho aqoonsiga caalamiga ah ee laga habsaamay.
Musharaxa helay codadka ugu badan doorashada golaha wakiillada Somaliland oo ah
Barkhad Jaamac Batuun, wuxuu ka soo jeedaa qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee
dhaqan ahaan loo takooro. Waa qareen soddon jira wuxuuna metelaa jiil cusub.
Wuxuu yidhi xilligii ololaha inuu doonayo inuu metelo dhammaan reer Somaliland,
iyadoon loo eegin qabiilka uu ka soo jeedaan. Fariintaasi waxay ka heshay taageero
badan.
Doorashadada ka dhacday Somaliland ayaa la rajaynayaa in ay horseed u noqon doonto
aqoonsi caalami ah oo dalku muddo dheer damacsanaa. Sidoo kale, dhaqaale ahaan
Somaliland waxay ku socotaa wadada saxda ah, waxayna xidhiidh la samaynaysay
wadamada kale iyada oo aan loo eegin qadiyada ictiraaf raadinta.
Somaliland ma jirin dhacdo argagixiso tan iyo 2008, taas oo muujineysa sida ammaanka
Somaliland u wanaagsan yahay. Taas oo ah xaqiiqda ah in dalal shisheeye ah ay sii
kordhiyeen xiisaha ay u qabaan Somaliland.
Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, waa magaalo kobcaysa oo ay ku nool yihiin dad
gaadhaya 1.2 milyan. Intii ka horraysay 1988 Somaliland wax Jaamacado ah ma lahayn,
hadda waxay leedahay 25 jaamacadood, dhalinyarada ka qalin jabisayna aad ayay ugu
wanaagsan yihiin dhismaha dalka.
In kasta oo aqoonsi la’aani jirto, haddana dawladda Ingiriiska waxay xafiis ku leedahay
Hargeysa oo ay madax ka tahay diblomaasi Stuart Brown oo maalgashi ku samaysay
mashaariicda gargaarka maxalliga ah.
Rajada Aqoonsi Caalami ah oo ay Somaliland Hesho" Warbaahin Caalami Ah Oo Boogaadisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday 31 May
Rajada Aqoonsi Caalami ah oo ay Somaliland Hesho" Warbaahin Caalami Ah Oo Boogaadisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday 31May