Qaxootigii gubay xeradii ay ku jireen oo xabsiga loo taxaabay+Khasaraha Ka Dhashay.

0
Sunday June 13, 2021 - 10:32:10 in by salman abdi
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxootigii gubay xeradii ay ku jireen oo xabsiga loo taxaabay+Khasaraha Ka Dhashay.

    Qaxootigii gubay xeradii ay ku jireen oo xabsiga loo taxaabay+Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxootigii gubay xeradii ay ku jireen oo xabsiga loo taxaabay+Khasaraha Ka Dhashay.

Maxkamad ku taalla Giriigga ayaa afar dhalinyaro oo u dhashay Giriigga ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inay sanadkii hore dab qabadsiiyeen xerada qaxooti ee ugu weyn Yurub.

Qareennadii difaacayay ayaa sheegay in ragan, oo beeniyay eedeymahaas, lagu helay inay si ula kac ah dabka u qabadsiiyeen xerada.

Waxayse xukunka maxkamadda ku sheegeen inuusan caddaalad ahayn.

Dabka baabi'yay xerada ciriirga ah ee Moria oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa qaxootiga gaaraya 13,000 ka dhigay hoy la'aan.

Dabka ayaa bishii September ee sanadkii hore kacay kaddib markii ay xaaladda sii adkeeyeen xayiraadaha xanuunka Covid-19.

Qareennadii difaacayay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in maxkamadeyntu aysna caddaalad ahayn. Waxay sheegeen in saddexdaasi eedeysane ay heystaan waraaqo muujinaya inay ka yaraayeen da'da 18 sano xilligii la soo xiryaya balse aysan dowladda Giriiggu u aqoonsan inay da' yar yihiin.

Weriyeyaashu looma oggolaan gudaha maxkamadda oo ku taalla jasiiradda Chios sabbao la xiriira xnauunka Covid-19.

Maxkamadenta waxaa inta badan lagu saleeyay hadallada uu maxkamadda ka hor sheegay nin kale oo Afghanistan u dhashay, kaas oo farta ku fiiqay ragga.

Saddexda eedeysane ayaa sheegay in loo bartilmaameedsaday maaddaama ay ka soo jeedaan Hazaras, oo ah qabiil yar oo ka soo jeeda Afghanistan.

Bishii March, labo dhalinyaro ah oo Afghanistan u dhashay ayaa isla arrintan lagu eedeeyay waxaana lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Xerada Moria ayaa waxaa loogu talo galay inay qaaddo 3,000 oo muhaajiriin ah balse way buux dhaaftay kaddib markii tiro aad u badan oo qaxooti ah ay bilaabeen inay tagaan xeradaas sanadkii 2015. Intooda badan waxay ka soo jeedaan Bariga Dhexe, Afrika iyo Koofurta Aasiya.

Xero ku meel gaar ah ayaa laga dhisay Lesbos taas oo qaadda 6,000 oo qof. Guud ahaan ilaa 10,000 oo muhaajiirin ah ayaa ku haray jasiiradaha Giriigga.