Baarlamaanka Israa'iil oo soo afjarayo xukunkii dheeraa Natanyahu

0
Sunday June 13, 2021 - 10:44:16 in by salman abdi
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Israa'iil oo soo afjarayo xukunkii dheeraa Natanyahu

    Baarlamaanka Israa'iil oo soo afjarayo xukunkii dheeraa Natanyahu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Israa'iil oo soo afjarayo xukunkii dheeraa Natanyahu

Baarlamanka Israa’iil ayaa la filayaa inuu meel mariyo go’aan ku aaddan dowlad cusub in la dhsio, taasoo soo afjareyso xukunki dheeraa ee Ra’isal wasaare Benyamin Natanyahu.

Dowladda wadaagga la rajeynayo iney xisbiyadu dhisaan ayaa ah mid ku imaneyso aqlabiyad aad u yar oo h al kursi.

Wuxuuna go’aanka lagu dhisayo dowladda wadajirka uu soo afjarayaa in ka badan laba sano oo muran siyaasadeed uu taagnaa seddexdi doorasho ee ugu dambeysay.

Natftali Bennett oo ah siyaasi garabka midig ayaa la filayaa inuu ra’isal wasaare uu ka noqdo dowldda wada jirka.

Sida uu dhigayo heshiiska ay xisbiyadu gaareen ee ay ku dhisayaan dowlad wadajirka ah Mr Bennet oo ah guddoomiyaha xisbiga Yamina wuxuu xafiiska sii joogi doonaa ilaa iyo 2023-ka.

Yair Lapid oo ah guddoomiyaha xisbiga Yesh Atid ayaa laba sano kaddib kala wareegi doono.