Guddiga Farsamada Doorashooyinka oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Koox ka tirsan Qaramada Midoobay

0
Sunday June 13, 2021 - 17:42:14 in by salman abdi
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Farsamada Doorashooyinka oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Koox ka tirsan Qaramada Midoobay

    Guddiga Farsamada Doorashooyinka oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Koox ka tirsan Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Farsamada Doorashooyinka oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Koox ka tirsan Qaramada Midoobay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

 

Guddiga farsamada iyo kooxda ka socotay Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo dardargelinta howlaha lagu taageerayo dadaalada uu doonayo in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu dalka uga qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka ayaa u balan qaaday guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka iney ka taageeri doonaan sida ugu wanaagsan ee loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.

Guddigan farsamada doorashooyinka dalka ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaare Rooble ayaa wada dardargelin ku aadan howlaha uu u xilsaartay Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka mid aheyd xoojinta xiriirka Xafiiska Raysal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyda iyo Beesha Caalamka.