"Shacabka Reer Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen, Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen" Badhasaab Jiidhe.
"Shacabka Reer Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen, Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen" Badhasaab Jiidhe. Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe,
ayaa ka hadlay Doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay, waxaanu xusay in
Doorashooyinkani Shacabka Gobolkiisa ay sharaf iyo taariikh u gooniya u leeyihiin,
isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay inay cid kasta oo qabsoomidda Doorashooyinka ka
qayb qaadatay.
Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u waramay Wargeyska
Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Doorashooyinkii isbarbar
socday ee kala ahaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, sidii
aynu ka filaynayey iyo si ka sii wacan kana sii qurux badan bay inoogu qabsoomeen,
inay Doorashooyinkana inoo qabsoomaan waxaan waxaan uga mahadnaqayaa
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo u badheedhay
isla-markaana xoogga saaray inuu dalka ka qabto Doorashooyinka, waxaanu kaga
dhabeeyey balanqaadkiisii ahaa inuu dalka ka qabanayo Doorashooyinka, isagoo waliba
bixiyey wixii kharash ah ee ku baxay Doorashooyinka, ta kale waxaan u mahadnaqayaa
Komishanka Doorashooyinka oo qabtay Doorashooyin aanu xittaa wax muran ahi ka
dhicin, sidoo kale Ciidamada, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland waan u
mahadnaqayaa, waxaana dhammaantood ku bogaadinayaa Doorashooyinkaas sida
nabadgalyadu ku jirto inoogu qabsoomay”.
Mar uu ka hadlaayey Shacabka Gobolka Sool wuxuu yidhi "Shacabka reer Sool si qurux
badan bay isku muujiyeen, mar haddii ay codkooda dhiibteen,meesha uu baxay is
xambaarkii waxaan leeyahay Shacabka reer Sool, Doorashooyinka dambena waa inaad
wada qaadataan kaadhka diiwaangelinta,si qof walba u helo kaadhkiisa uu xaqa u
leeyahay inuu ku coddeeyo, codkiisana ku dhiibto, una coddeeyo hadba cidduu
doonayo”
"Shacabka Reer Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen, Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen" Badhasaab Jiidhe.
"Shacabka Reer Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen, Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen" Badhasaab Jiidhe.