Midowga Musharaxiinta oo Bayaan kasoo saaray guddiga loo magacaabay baaritaanka ciidanka Eriteria loo qaaday

0
Monday June 14, 2021 - 12:33:44 in by salman abdi
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta oo Bayaan kasoo saaray guddiga loo magacaabay baaritaanka ciidanka Eriteria loo qaaday

    Midowga Musharaxiinta oo Bayaan kasoo saaray guddiga loo magacaabay baaritaanka ciidanka Eriteria loo qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Musharaxiinta oo Bayaan kasoo saaray guddiga loo magacaabay baaritaanka ciidanka Eriteria loo qaaday
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray guddigii maalin ka hor uu magacaabay Raysal wasaataha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iney baaritaano kusoo sameeyaan xaalada aay ku sugan yihiin ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaas oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa bayaanka kasoo baxay ku sheegay iney soo dhaweynayaan go'anka Raysal wasaare Rooble uu ugu magacaabay guddi soo baara arrintaasi oo aay sheegeen inay tahay lalaabo loo baahnaa oo waqtigeeda kusoo beegantay.

Waalidiinta dhashay ciidanka loo qaaday tababarta dalka Eriteria ayaa dhowr jeer oo hore dowladda Soomaaliya ka codsadeen in caruurtooda nolol ama geeri dib loogu soo celsho waxayna Muqdisho iyo magaaloyin kale oo dalka ka mid ah ka dhigayeen banaanbaxyo cabasho ah oo dareenkooda aay ku muujinayeen.

Hoos ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta.