
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay Illaa Hadda Aanay Fulin Qodobbada Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Kenya
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay Illaa Hadda Aanay Fulin Qodobbada Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Kenya Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay halkay ku
dambeeyeen qodobbadii ay Somaliland iyo Kenya ku heshiiyeen dhammaadkii sannadkii
hore, iyadoo labada Madaxweyne ay heshiiskaas kala saxeexdeen.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug,
ahna ku simaha Wasiirka Wasaaraddan, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidh ay yeelan
doonaan labada Baarlamaan ee labadan dal, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay
"Kulankii ka dhacay xalay (habeen hore), Nairobi wuxuu ahaa kulan ujeedkiisu ahaa in
lagu daah-furo madal ay yeelan doonaan Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya,
ujeeddaduna tahay inay ka shaqeeyaan xidhiidhka labada dal iyo saaxibtinimada labada
dal ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo dublamaasiyadda, waxayna daba socotaa
xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, markaas waxaanu rajeynaynaa inuu wax badan ku soo
kordhin doono oo wuu wax badan ka qaban doono xidhiidhka Somaliland iyo Kenya”
Mar uu ka hadlayey xidhiidhka labada dal wuxuu yidhi "Wuxuu caawin doono ama badhi
taari doonaa xidhiidhkii labada dawladoodba oo Wasaaradaha labada dhinac ayuun buu
kana badhi taari doonaa, maadaama Baarlamaanku ay matalaan Shacabka, markaas
waxay noqon doonaan biriishkii isku xidhayey labada ummaddadood, dhanka
dhaqaalaha, arrimaha bulshada, siyaasadda, wuxuu wax ku soo kordhin doonaa
xidhiidhkii labada dalwadood, ee dhinaca fulinta”.
Mar wax laga weydiiyey heshiiskii labada dal ay wada galeen dhamaadkii sannadkii hore
iyo sababtu u hirgali waayey ilaa hadda wuxuu ku jawaabay "Lama odhan karo wax
natiijo ahi kamay soo bixin, ee kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha
dalka Kenya ku kulmeen oo ahaa kulana guula, dhawr qodob ayaa lagaga wada hadlay
oo ay ka mid ahaayeen inay Kenya xafiis ka furato Somaliland iyo inay Kenya Airways ay
shaqo ka bilawdo ama duulimaad ay ka bilawdo Somaliland, hawshaasina meel fiican
bay maraysaa, xidhiidhada ay Dawladduhu galaan waxay u baahan yihiin in farsamo
ahaan lagu heshiiyo, markaas hawshaasi meel fiican bay marayaan qaarkoodna
gabgabo ayey marayaan, sannadkana inta aanu dhammaan waxaanu rajeynaynaa in
saddexdii qodob ee lagu heshiiyey inay fulaan, mar heshiisku wuxuu noqonayaa heshiis
siyaasadeed marna fulintiisu danaha labada dal ayey ku xidhnaanaysaa, markaas
hawshaasi meel fiican bay maraysaa”
Mar wax laga weydiiyey Xafiiska ay Kenya ka furan lahayd Somaliland iyo waliba
duulimaadkii ay ka bilaabi lahayd halku ku dambeeyeen wuxuu ku jawaabay "Diyaaradda
Kenya, wefti bay Somaliland u soo direen, duulimaadkeedii way cayimeen, Xafiiskii ay
Somaliland ka furan lahaayeen kooxdii ka shaqeeyn lahaa ee Somaliland iman lahaa
waa la magacaabay, meeshii ay Hargeysa ka degi lahaayeena way cayimeen, dawladaha
heshiiskoodii wax si sahal ah u dhammaada maaha, markaas waxaanu ku rejo weyn
nahay inay sida ugu dhakhsaha badan u fulo, Duulimaadka Kenya Airwaysna labada
bilood ee soo socda wuu imanaya Somaliland”
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay Illaa Hadda Aanay Fulin Qodobbada Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Kenya
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay Illaa Hadda Aanay Fulin Qodobbada Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Kenya