Golaha wakiillada Somaliland wuxuu u baahanyahay shirgudoon madaxbanaan oo doonid iyo diidis leh.

0
Tuesday June 22, 2021 - 11:53:14 in by salman abdi
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wakiillada Somaliland wuxuu u baahanyahay shirgudoon madaxbanaan oo doonid iyo diidis leh.

    Golaha wakiillada Somaliland wuxuu u baahanyahay shirgudoon madaxbanaan oo doonid iyo diidis leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wakiillada Somaliland wuxuu u baahanyahay shirgudoon madaxbanaan oo doonid iyo diidis leh. Golaha cusub waxa ku jira rag badan oo qiyam leh oo aanu damiirkooda dadnimo siinayay in ay siistaan qofnimadooda shilimaad laaluusha oo laga soo xaday cashuurta ummadda. KULMIYE aad ayay ugu adagtahay in laaluush iyo musuq uu ku gaadho shirgudoonka golaha wakiilada. aqlabiyadda isbahaysiga ee galbinaayay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif waxay gudanayaan waajib qaran madaama baahi weyn qaranku u qabo golayaal is-dheelitira oo la xisaabtama fulinta iyo garsoorka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif waa shaqsi mudakara, xilkas ah oo gudan kara shaqada golaha ee u baahan kartida iyo aqoonta, Faratoon isagaa kaga habboon keenina kara isbedel ka duwan kii waayadan golaha laga daari jiray madaxtooyada, shirgudoon madaxbanaan oo doonid iyo diidis leh ayaynu u baahi qabnaa, dadaalkeediina wuu inna horyaal oo waxa hadhayba waa kal fadhigii lagu dooranaayay shirguddoonka maalmaha soo socda.

Tawaawaca iyo dhiilada ka soo yeedhaysa KULMIYE waa jabkoodii waxaanay qirsan yihiin in laga gacan sarreeyo, erayada beer-laxawsiga ah ee maalmahan soo noqnoqnayaa maaha kuwo leexin kara jidka guusha ee la hayo, Xildhibaan kasta waxa saaran waajib qaran iyo mid qofnimo waa in aan laaluush iyo qabyaalad midna lagula dhiirran ee gaashanka loo daruuraa KULMIYE isbedelkana la taageera.

Aqlabiyada golaha wakiilada xildhibinaada isbahaysiga WADDANI iyo UCID waxa shacabku u hayaan abaal weyn madaama ay qayb ka yihiin isbedel doonka lagu doonaayo in lagu soo celiyo golaha shaqadiisii iyo sharaftiisii, waxaana waajib idinku ah in aad metelaad dhaba nagu matashaan golaha wakiilada Somaliland.

Qorre :- Maxamed Sidiiq, Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani.