Jaamacadda Carabta Oo War Xasaasi Ah Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya.

0
Friday July 02, 2021 - 17:59:41 in by salman abdi
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Carabta Oo War Xasaasi Ah Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya.

    Jaamacadda Carabta Oo War Xasaasi Ah Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Carabta Oo War Xasaasi Ah Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Al-Casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo Waxaa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka. Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka inay taageeraan Soomaaliya si looga miradhaliyo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daah furan oo lagu wada qanacsan yahay. Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Xukuumada Somalia, dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir maalmo ka hor shir ugu soo xirmay Muqdisho ayaa soo saaray jadwalka ay dhaceyso doorashada labada gole ee baarlamanka iyo tan Madaxweynaha Somalia hogaamin doona afarta sano ee soo socota.