Wasiirka Hawlaha Guud Oo Bixinta iyo Sharciyeynta Dhulka Danta Guud ka Mamnuucay Dawladaha Hoose iyo Nuxurka waregtadii uu ku joojiyey.

0
Monday March 10, 2014 - 20:36:32 in by Super Admin
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Oo Bixinta iyo Sharciyeynta Dhulka Danta Guud ka Mamnuucay Dawladaha Hoose iyo Nuxurka waregtadii uu ku joojiyey.

    Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta soo saaray wareegto dawladaha hoose ka mamnuucaysa inay bixiyaan dhulka danta guud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta soo saaray wareegto dawladaha hoose ka mamnuucaysa inay bixiyaan dhulka danta guud.

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta soo saaray wareegto dawladaha hoose ka mamnuucaysa inay bixiyaan dhulka danta guud.

Wareegto Wasiirku soo saaray ayaa u dhignayd sidan  "Wasiirka WHG/Guryeynta, ahna Guddoomiyaha guddida qaranka ee naqshadaha guud iyo guddoomiyaha guddida dib u soo celinta gacan ku haynta iyo ku tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda.

Markuu arkay: qodobka saddexaad, afraad iyo shanaad ee xeerka dhulka No: 17/2001.

Markuu arkay, qodobka 8-aad ee isla xeerka dhulka oo qoraya jago bixin ka reebban dawladaha, farqaddiisa 1-aad ee u dhigan sidan  (Maamulka dawladaha hoose waxa ka reebban inay bixiso dhul ku yaala meelaha, macdanta, dhul-beereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay) iyo farqaddiisa 2-aad.

Markuu arkay, farqaddiisa 43-aad ee xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka JSL farqaddiisa 2-aad ee qeexaya waxa ka reebban guddi hoosaadyada una qoran sidan: guddi hoosaadyada Golaha deegaanka waxa ka reebban inay saxeexaan documanta la xidiidha dhul bixinta.

3. waxa ka reebban dawladaha hoose ee dalku inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadwaynaha.

4. inaan la iibin Karin, la hibeyn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha dawladda sida ku cad Wareegtada Madaxwaynaha JSL  ee dib u celinta gacanta ku haynta ee ku tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda, ciddii ku kacda arrimahan qodobkaasi ku qoranna kuma yeelan doonta magdhow xukuumadda.


Qoraalka oo dhaqangalaya maanta oo uu saxeexay Wasiirka WHG/G/gaadiida, waxa lagu war-galinayaa hay’adaha dawladda ee ay khusayso iyo mulkiilayaasha beeraha inay dhowraan isla-markaana ilaaliyaan  sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla”






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com