Ra'iisal-wasaare Amar ku Bixiyay in Libaax Dib Loogu Celiyo Ninkii Lahaa

0
Tuesday July 06, 2021 - 11:25:47 in by salman abdi
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal-wasaare Amar ku Bixiyay in Libaax Dib Loogu Celiyo Ninkii Lahaa

    Ra'iisal-wasaare Amar ku Bixiyay in Libaax Dib Loogu Celiyo Ninkii Lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal-wasaare Amar ku Bixiyay in Libaax Dib Loogu Celiyo Ninkii Lahaa

Libaaxa ayay maamulka dalka Kamboodiya kala wareegeen bishii hore nin xannaaneyn jiray ayaa hadda u celiyey ka dib markii faragalin lama filaan ah uu ku sameeyay arrinka ra'iisal wasaaraha dalkaas. Libaaxaan aarka ah oo 18 bilood jir ah ayaa waxaa si sharci darro ah dalka ku soo galiyay muwaadin u dhashay dalka Shiinaha sida ay saraakiisha Kamboodiya sheegeen.

Mas'uuliyiinta ayaa sameeyay baaritaanno ku saabsanaa Libaaxaan kadib markii muqaallo looga duubay magaalada Caasimadda ah ee Phnom Penh, la soo dhigay barta TikTok . Aarkaan ayaa la qabtay 27-kii bishii la soo dhaafay ee Juun,iyadoo xiligaas loo wareejiyay xaruun lagu badbaadiyo xayawaanaadka.

Tan iyo xiligaas milkiilaha Libaaxa, ee ka soo jeeda dalka Shiinaha laguna magacaabo Zhai Xinjiang ayaa warbaahinta gudaha u gudbinayay codsiyo ku saabsan in dib loogu soo celiyo Libaaxiisa dalabyadaas oo lagu daabacay wargaysyada iyo baraha bulshada .Axaddii ayaa ra'iisal wasaare Hun Sen wuxuu ka jawaabay codsiga ninkaan Libaaxu ka maqnaa.Wuxuu sheegay inuu arrintaa kala hadlay wasiirkiisa beeraha Veng Sakhon isla markaana uu ogolaaday in libaaxa loo celiyo milkiilihii.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu kaloo amar ku siiyay mas'uuliyiinta inay dib u soo celiyaan wixii gannaax ahaa ee mulkiilaha uu bixiyay, kaasoo sida la sheegay lagu ganaaxay $ 30,000.

Mulkiilaha Libaaxa ayaa uga mahadceliyey ra'iisul wasaaraha sida uu uga jawaabay codsigiisii wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dadwenaha dalkaas oo ka caawiyay dadaallada ku aadan inuu dib u helo libaaxiisa.

Libaaxaan oo ah Aar ayaa jira 18 bilood

Libaaxaan oo ah Aar ayaa jira 18 bilood

Wasiirka beeraha ayaa u sheegay idaacadda VOA in go'aanku uu ahaa "mid naxariis leh" oo ka yimid ra'iisul wasaaraha. Wuxuu sheegay in masuuliyiintu ay hubin doonaan in libaaxa si nabad ah loo ilaaliyo.

Wasaaradda deegaanka Kamboodiya ayaa iyana sheegtay inay sharci darro tahay in libaaxyada loo haysto sidii xayawaanka guri joogta ah. Wasaaraddu waxay daliishatay qodobka 49-aad ee sharciga keymaha, kaas oo mamnuucaya in xayawaanka halista ah guryaha lagu hyasto.

Isbahaysiga Duurjoogta, oo ah koox ka shaqeeysa samatabixinta xayawaanaadka isla markaana gacan ka gaystay la wareegida libaaxa, ayaa sheegtay in marka la darso xaaladaha guriga mulkiilaha aanu "ku habboonayn xayawaan duurjoog ah".

"Intaa waxaa dheer, in ilkaha iyo ciddiyaha laga saaro libaaxyad ,ay si weyn u yareynayso fursadda nolosha libaaxyad," ayay hay'addu ku tiri warbixin ay soo saartay bishii hore. BBC -da ayaa xiriir la sameeysay Waaxda Duurjoogta hase yeeshee jawaab degdeg ah lagama helin mas'uuliyiinta ka shaqeeya arrimahaan.

Libaaxyada ayaa ka mid ah xayawaanaadka halista ah


Libaaxyada ayaa ka mid ah xayawaanaadka halista ah

Ninka loo celiyay Libaaxa hadda oo wareysi siinayay wargeyska dowladda taabacsan ee Khmer Times ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu si xun ula dhaqmay libaaxa.Wuxuu sheegay inuu kubixiyay $ 5,000 oo doolar guri uu kireystay oo gaar ah looguna talagalay xayawaanka .

Wuxuu sheegay inuusan ka warqabin inay sharci darro tahay in Xayawaanka Libaax lagu hayo gudaha Kamboodiya, wuxuuna raaligelin ka bixiyay inuu cabsi ku abuuray deriskiisa maadama ay baqdin ka muujiyeen Libaaxa.

"Waxaan dareemayaa farxad aad u badan, aadna ii taabtay ... Ma aanan fileynin inaan dib u helo," milkiilaha Libaaxa ayaa sidaa wariyeyaasha u sheegay.Balse dadka wax naqdiya qaarkood ayaa si adag uga falceliyay go'aanka lagu soo celiyey Libaaxa aarka ah .

Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter safiirka UK ee dalka Kamboodiya Tina Redshaw, ayay ku sheegtay in soocelinta Libaaxa ay wiiqday sharciga ka hortaga lahaanshaha iyo ka ganacsiga xayawaanka halista ah .