Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada"Wasiir Jamaal

0
Wednesday July 07, 2021 - 17:10:06 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada"Wasiir Jamaal

    Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada"Wasiir Jamaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada"Wasiir Jamaal Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, isagoo sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.
Wasiir Jamaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa ku yiri sidatan,” Madaxweyne Deni maaddaama uu yahay Musharax Madaxweyne, waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. kama aamusnaan karno faro galinta qaawan iyo qaddarin la'aanta Puntland,”

Wasiir Jamaal ayaa sheegay madaxweyne Deni inuu dib u dhigay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo, si uu saameyn ugu yeesho oo u xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Wuxuu sheegay in odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta baarlamaanka ay dhammaantood muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marin, cagajugleyn iyo faragelin uu doorashada ku hayo madaxweyne Deni.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ee lagasoo doorto Puntland, wuxuuna sidoo kale doonayaa inuu mar kale kursiga kusoo noqdo.

HOL waxay ogsoon tahay in madaxweyne Deni iyo wasiir Jamaal uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiray. wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada u dhow ee madaxweyne Farmaajo.