Xildhibaan U Soo Baxay Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu Madaxweyne Biixi Ula Kulmay Inaan Hankiisa Aanu Isbahaysigu U Rumayn Karin
Xildhibaan U Soo Baxay Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu
Madaxweyne Biixi Ula Kulmay Inaan Hankiisa Aanu Isbahaysigu U Rumayn Karin Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mid ah Mudanaayasha Golaha Wakiilada ee
la doortay, kana soo baxay Gobolka Maroodijeex isla-markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,
ayaa tilmaamay inuu hankiisi iyo himiladiisi uu ka waayey isbahaysiga labada Xisbi Mucaarad, isagoo ka
warramay ujeeddada kulan uu habeen hore la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay ku mutaystay Canaan kaga
imanaysa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ayaa Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa isagoo arrimahaa ka
hadlaya wuxuu yidhi "Saddex wax oo isku qasan oo Siyaasadeed ayaa jira, oo mid waliba gaarkeeda tahay, midi
waa Dimuqraadiyaddii oo 82 Xildhibaan ayey ka go’an tahay inay Guddoomiyahooda doortaan, Xisbi go’aamin
maayo, Madaxweyne go’aamin maayo, Isbahaysina go’aamin maayo, 82 waa inay qof iska dhex doortaan, oo
saddexda shir-guddoon mid waliba gaarkiisa u doortaan, ta labaad waa nidaamka aynu ku soo baxnay ee ah
deegaanka iyo reeraha, inaga oo is waafajinayna waa qabyaaladdii, dimuqraadiyaddii iyo doorashadii oo isku
dhex jira, oo dhinaca reerkii ayaa awood leh, oo aynaan dafiri karin oo codkooga kugu soo saaraya, dhinacana
weel lagu soo baxo ayaa loo baahan yahay, oo ah Xisbiyadii aynu ku tartamaynay, Xisbiyadeeniina wali maynu
gaadhsiin inay noqdaan in la isku doorto si hufan, oo qofku ku soo baxo kartidiisa iyo aqoontiisa.”
Xildhibaan Jamaal waxa kale oo uu sheegay inaanu wax kulan ah la yeelan xildhibaan Faratoon oo xisbiga
KULMIYE la doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada "Qaybta saddexaad waa isbahaysiga,
wax kulan ah oo aniga iyo Faratoon na dhex maray oo aanu arintaas kaga hadlay ma jirto, haddii aanu ka wada
hadalano wakhti kale ayey noqon doontaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aalaha
dadku ka qabaan inuu ka hoos baxay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka oo xubno kale la doonaya inay
noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee cusub "Arinta isbahaysiga oo in badan la i weydiinayey wuxuu
dhigay qorshe, qorshahaas oo ahaa Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye ku-xigeenba waa la calaamadiyey,
waanay tartamayaan, Madaxweynaha waxaan weydiiyey "Ninkaas odayga ah ee aanu maqalnay mooye cid kale
may jirtaa oo tartamaysa, Rag ku dhawaaqay mooye cid aanu sheegnay ma jirto” ayey jawaabtayadu, hasa
yeeshe tashi baa socda, bulshadii is soo doortay waxaan u sheegaya isbahaysigu hankayaga diyaar kama aha, ee
isbahaysiga labada boos ee lagu tartamayaa iyo Guddoomiyuhuba way buuxaan”
Xildhibaan U Soo Baxay Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu Madaxweyne Biixi Ula Kulmay Inaan Hankiisa Aanu Isbahaysigu U Rumayn Karin
Xildhibaan U Soo Baxay Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu Madaxweyne Biixi Ula Kulmay Inaan Hankiisa Aanu Isbahaysigu U Rumayn Karin