Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac cusub ka muujiyay hanaanka doorashada dalka

0
Monday July 19, 2021 - 12:16:30 in by salman abdi
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac cusub ka muujiyay hanaanka doorashada dalka

    Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac cusub ka muujiyay hanaanka doorashada dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac cusub ka muujiyay hanaanka doorashada dalka
Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubahana golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qaabka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka.

Golaha midowga Musharaxiinta ayaa baaq deg deg ah u diray madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxayna kulankooda kasoo saareen bayaan ay ku cadeynayaan caqabadaha ku hor gudboon habsami u socodka doorashada dalka.

Golaha midowga Musharaxiinta ayaa bayaankooda ku sheegay iney wali jirto faragilin uu madaxweyne Farmaajo ku haayo hanaanka doorashada.

Bayaanka kasoo baxay golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen jadwalka doorashada Aqalka Sare waqtiga ay dhaceyso.

Hoos ka akhriso bayaanka Golaha Midowga Musharaxiinta soo saareen.