Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal qorsheysan ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab

0
Monday July 19, 2021 - 12:27:57 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal qorsheysan ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal qorsheysan ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal qorsheysan ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab Wararka ka imaanaya deegaanka Kaban ee Waqooyiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen howlgalo qorsheysan oo lagu burburiyay Saldhig halkaasi ku lahayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in howlgalka ay ku dileen ilaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay saldhiga deegaanka Kaban uu ahaa mid ka mid ah Saldhigyada ugu waaweyn Shabaabka oo ay kasoo qorsheysan jireen weerarada iyo dagaalada ka dhaca Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka wada deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Jubooyinka, Sh/hoose iyo Sh/dhaxe.