Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay saldhiggii Alshabaab ee Qeycad

0
Saturday July 24, 2021 - 12:27:48 in by salman abdi
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay saldhiggii Alshabaab ee Qeycad

    Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay saldhiggii Alshabaab ee Qeycad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay saldhiggii Alshabaab ee Qeycad
Mareykanka ayaa markale bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoo qaaday duqeyntiisii labaad afartii maalmood ee la soo dhaafay ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad ah markii uu xilka qabtay Madaxweyne Joe Biden.

Taliska AFRICOM oo duqayntan ka fuliyay Galmudug, ayaa qoraal uu soo saaray, wuxuu ku sheegay inuu qeyb ka yahay dadaal lagu doonayo in lagu taageero milateriga Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jira Al-Shabaab, dagaalkaas oo haatan ka socda Galmudug.

Xoghayaha warfaafinta Pentagon John Kirby ayaa u sheegay wariyeyaasha in duqeynta jimcihii lagu qaaday meel u dhow tuulada Qeycad, kadib ciidamada Maraykanka loo fasaxay awoodaha ruqsadda adeegsiga xoog militari oo ka dhan ah Alshabaab.

Kirby wuxuu intaa ku daray in sidii duqeyntii hore oo kale, ciidamada Mareykanka aysan dagaalka dhulka kula jirin ciidamada Soomaaliya laakiin ay wadeen howlgalo latalin ah iyo caawimaad cirka ah.

Bayaan ay soo saartay jimcihii shalay, dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.