Maxamed Sidiiq Dhamme Oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Xildhibaanada Xukuumaddu Laaluushka Ku Bixinayso " Xildhibaan Shaqada U Horraysa Haku Bilaabin Laaluush"

0
Saturday July 24, 2021 - 12:40:05 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Sidiiq Dhamme Oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Xildhibaanada Xukuumaddu Laaluushka Ku Bixinayso " Xildhibaan Shaqada U Horraysa Haku Bilaabin Laaluush"

    Maxamed Sidiiq Dhamme Oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Xildhibaanada Xukuumaddu Laaluushka Ku Bixinayso " Xildhibaan Shaqada U Horraysa Haku Bilaabin Laaluush"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Sidiiq Dhamme Oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Xildhibaanada Xukuumaddu Laaluushka Ku Bixinayso " Xildhibaan Shaqada U Horraysa Haku Bilaabin Laaluush" Xildhibaan shaqada u horraysa haku bilaabin laaluush ! Liidasho iyo Gunnimo ka weyni ma jirto in Xisbi ku maamuusay oo ku siiyay fursad iyo kursi aad ka taratanto aad ka leexato markaad soo baxdo, weliba aad u leexato Xisbigii liiska musharraxa kuu diiday ee reernimo ama cod yaraan kugu diiday in aad maanta raacdo adoo Xildhibaan qaran ah. waa qiyam la’aan qof kasta oo leexdaa sameeyay, Xildhibaanadu Xisbiyadooda ha iimaansadaan. Xildhibaanada reernimo leexdaa iyaguna gobanimo may samayn, rag badan oo Muuse Biixi eryay ayaa maanta safka hore ku jira, cagaha dhulka ku xejiya oo caadifada qabyaaladeed yaanay idin ilawsiin Xisbiyada idiin hiiliyay ee idin sharraxay. taariikh ayaa qormaysa adduunna warbaa ka hadha, mudane guur guurku suunno xun weeyaane dhaqankaa halla bedelo. Waxaan boogaadinayaa oo aan la gaasiri karin raganimadiisa Xildhibaan Axmed ku-caddeeye iyo xildhibaano badan oo dhigiiya oo xodxodasha kasta diiday, waxay muujiyeen adjaysi, mabda, matalaad dhaba, gabanimo. waxaanay tuseen kuwii kursiga sharraxaadda u diiday in ay yihiin rag abaal leh oo iimmaan qaba. 

W: Q Maxamed Sidiiq Dhamme.