Haweeney xil ku weyday ilmo saddexaad oo ay dhashay

0
Monday July 26, 2021 - 09:48:28 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney xil ku weyday ilmo saddexaad oo ay dhashay

    Haweeney xil ku weyday ilmo saddexaad oo ay dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney xil ku weyday ilmo saddexaad oo ay dhashay

Haweeney lagu magacaabo Nita panchal oo ahayd xildhibaanad ka tirsan golaha deegaanka Laksar ee dalka Hindiya, ayaa lagu wargeliyey in ilma seddexaad haddii ay dhasho inay shaqadeeda waayeyso.

Waddada keli ah ee ay shaqadeeda ku badbaadsan kartana waxay tahay in ay "ilmaha caloosheeda ku jira iska soo tuurto", waa sida loo sheegay.

"Kursi ama xilka aan ka hayay golaha deegaanka waxaan kadoortay ilmaha caloosheyda ku jira in aad badbaadsado. Runta markaan ka hadlana ma doonayo in ilmaha aan iska soo tuuro, waxaan qaatay go'aankaasi."

"Xubinnimada golaha deegaanka waxaa la iga joojiyey 13-kii July, ilma seddexaad oo aan dhalay awgeed. Waxaan rabaa in aan siyaasadda ka soo muuqdo horayna ugu sii socdo, balse hadda iima suuragaleyso in aan doorashada ka qayb galo. Tani ma awood-siin dumarbaa?"

Su'aashaas waxay si gaar ah u quseeysaa Nita Panchal oo horay uga tirsaneyd golaha deegaanka Laksar ee Haridwar oo ka tirsan gobolka Uttarakhand oo ay xubinnimadeeda bishan dhammaatay.

Nita Panchal oo ah xubin siyaasadeed oo ka tirsan xisbiga BJP waxaa marki labaad loo soo doortay xubinimada gole deegaan.

Hadal haynta Amarka lagu joojiyey xilkii Nita ee ka dhashay ilmaha seddexaad ee ay uurkiisa qaadday, ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobollo kale oo dalka Hindiya ay ka billowdeen doodo arrintan la xiriirta oo lagu dalbanayo in wax laga beddalo sharcigaas.

Gobolka Uttarakhand, muddo labaatan sanaoah waxaa lagaga soo dhaqmayey qofka golaha deegaanka ka mid noqonaya inuu laba carruur ah ka badan uusan dhalin.

"Shuruuddan dhigeysa ugu badnaan laba carruur ah inuu dhalo qofka shacab gole ku matalaya waxaa la dhaqan geliyey bishii July 2002," ayuu yiri, Deepak Ruwail oo ka tirsan maxkamadda sare ee Uttaakhand, ahna xoghayaha guud ee qareennada Nainital.

Deepak Ruwail wuxuu sheegay in haweeneydan ay tahay tii ugu hrreysay oo gobolkan ku nool ee uu sharcigaasi saameeyey, ilaa iyo marki uu dhaqangalkiisa billaabmay.

Nita sideey uga falcelisay?

Sharciga Uttarakhand ayaa laga yaabaa inuu jiray muddo 20 sano ku dhow, balse arrinta xiisaha gaarka ah u yeeleysa waxay tahay in xubinnimada Nita aan la iskama joojinin, waxaana marka hore laga soo gudbiyay dacwad iyada ka dhan ah.

Golaha deegaanka leksar ee ay Nita ka tirsaneyd

XIGASHADA SAWIRKA,SHAHBAZ ANWAR/BBC

Cabsho lagu dalbanayay in Nita xubinnimada lagala noqdo ayaa bishii August 2020-ka loo gudbiyey maxkamadda sare ee Uttarakhand iyo ururka qareennada Nainital.

Baaritaan ayaana lagu billaabay kiiska Nita ugu dambeyntina, 13-ka bisha July, Agaasimaha Horumarinta Magaalooyinka wuxuu amar ku bixiyey in Nita Panchal ay kursiga banneyso.

"Nita waxa xilka loo doortay bishii November 2018, waxayna haysatay laba carruur oo keli ah, balse marki ay dhashay ilmaha seddexaad ayey xubinnimada golaha weyday," ayuu yiri guddoomiyaha golaha deegaanka Laksar Ambrish Garg.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shacigan muxuu qabaa?

Nita Panchal waxay aaminsan tahay in go'aannada sharcigan uu salka ku haya arrimo hortaagan in dumarka ay awoodda siyaasadda xoog ku yeeyshaan.

"Aniga waxaan ku hamminayaa in aan siyaasadda heer ka gaaro. Golaha deegaankana laba jeer ayaa la ii doortay, ilmaha seddexaad ee caloosheyda ku jirana maanan ogeyn - maxaan sameyn lahaa? Waxa keli ah ee ila gudboon waxay ahayd in aan ilmahayga badbaadso," ayey tiri.

Kaliya ma aha inay ka xun tahay in iyada xubinnimada golaha laga joojiyey, balse waxaa sidoo kale xubinnimada golaha laga joojiyey, seygeeda Vijendra Panchal.

"Xaaskeyga Nita waxaa laga joojiyey xilkii golaha deegaanka, ka dib marki dacwado laga soo gudbiyey, balse ilmihi caloosheeda ku jiray way dhashay, sidaa ayaanna go'aansanay," ayuu yiri Vijendra.

"Doorashada xaaskeyga lagu doortay waxay dhacday bishii November 2018, waxaana xaaskeyga xilka golaha deeganka loo dhaariyey 15-kii bisha November 2019, ka dibna waxay dhashay ilmihi seddexaad."

"Marka caddaalad ayaan raadsaneynaa maadaamaa go'aankan uu yahay xadgudub bareer ah oo naloo geystay, albaab kasta oo maxkamadeedna waan garaaceynaa," ayuu yiri.

Sharciga dhigaya in laba carruur ka badan aysan dhali karin xubnaha golayaasha, waxaa lagu dabbaqaa ama uu qabanayaa xildhibaannada iyo xubin kasta oo ay shacabku soo doortaan.