Ramla Cali oo Soomaaliya matalaysay oo looga adkaaday tartankii feerka ee Tokyo

0
Monday July 26, 2021 - 18:17:44 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramla Cali oo Soomaaliya matalaysay oo looga adkaaday tartankii feerka ee Tokyo

    Ramla Cali oo Soomaaliya matalaysay oo looga adkaaday tartankii feerka ee Tokyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramla Cali oo Soomaaliya matalaysay oo looga adkaaday tartankii feerka ee Tokyo Ramla Cali oo ah gabadha Soomaaliya ku mataleysay cayaaraha feerka Olombikada ee Tokyo ayaa looga adkaaday dhibco kadib markii ay is wajaheen gabar kale oo ka socotay dalka Romania.

Ramla Cali ayaa muujisay dadaal fiican qeybtii hore ee cayaarta, balse qeybtii dambe ayaa laga helay dhibcaha looga guulaystay, sida ay sheegtay Faadumo Nuur Cali oo ah gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee guddiga Olombikada Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo gabadh Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca feerka ah, iyadoo matalaysa qaranka Soomaaliya

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ramlo looga guulaystay nasiib, waxayna ku amaantay in ay muujisay dadaalkeedii ugu badnaa.

"Waxaan leeyahay waan dadaalnay, gari labo nin kama wada qosliso. Waan dadaalnay, waana imaanay illaa iyo Tokyo. Tababar waan soo sameynay, juhdi badan waan soo galinay waxaan la harnay ma jiraan. Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay, meesha ayaan kasii wadaynaa cayaaraha,” ayay tiri Faadumo Nuur Nuur.”

Saddexda bisha August, Cali Iidow Xasan ayaa Soomaaliya uga qeybgali galidoona tartanka orodada 1,500m (Kun iyo shanta boqol ee mitir).