Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland aya si cad u dadafeeyey lacag bangiga horumarinta afrika ugu deeqay somaliland oo la soo mariyey Somalia

0
Monday March 10, 2014 - 21:12:32 in by Super Admin
  • Visits: 1068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland aya si cad u dadafeeyey lacag bangiga horumarinta afrika ugu deeqay somaliland oo la soo mariyey Somalia

    Wasiirka ayaa isagoo ka turjumaya mawqifka xukumadda iyo shacabka somaliland si adag u qaadacay Mashruuc.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa isagoo ka turjumaya mawqifka xukumadda iyo shacabka somaliland si adag u qaadacay Mashruuc.....

Wasiirka ayaa isagoo ka turjumaya mawqifka xukumadda iyo shacabka somaliland si adag u qaadacay Mashruuc Baanka Horumarinta Africa ku caawinaayey Somaliland oo lacagtiisii baanku soo mariyey Soomaaliya.

War-saxafaadeed Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Soo Saaray ayaa waxaa si toos ah loogu deedafeeyay  qaadashada Lacagtaas, iyadoo xukuumaddu sheegtay in ay qaadan karto oo kaliya ah haddii Baanka Horumarinta Afrika si toos ah u siiyo Somaliland

Cadayn: Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa

Annaga oo tixraacayna qodobka koowaad xayeysiis la soo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014-ka, kaas oo leh "Waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka caddaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.

Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahanyahayna ka wada hawl-geleyno.

 Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga, laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.



Wixii faah faahin ah kala xidhiidh



Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Tel. 0634240045









Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com