Qaar kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo oo loo qaaday Muqdisho

0
Saturday July 31, 2021 - 17:18:39 in by salman abdi
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo oo loo qaaday Muqdisho

    Qaar kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo oo loo qaaday Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo oo loo qaaday Muqdisho Labo kamid ah cayaartoydii ku dhaawacmay qaraxii shalay lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen koox kubbada cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, ayaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho.
Cayaartoydan oo dhaawacoodu culus yahay ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayay magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Jubbaland.

Saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen cayaartoy iyo darawalkii baska ayaa ku geeriyooday qaraxii shalay, oo dhacay xilli cayaartoydu isku diyaarinayeen ka qeyb qaadashada furitaanka horyaalka kubbada cagta Jubbaland.

Shan cayaartoy oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo lagu sheegay miino horay loogusii xiray gaariga cayaartoyda la socdeen.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo qaraxa kaddib furay horyaalka Jubbaland, ayaa sheegay ujeedada laga lahaa weerarkaas inay tahay sidii loo joojin lahaa tartanka lana cabsi galiyo dhalinyarada.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas, inkastoo Jubbaland ay ku eedeeysay kooxda Alshabaab.