Maayirka Burco Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Dhiig-bax Ah Iyo Tiradda Shaqaalaha Beeshiisa Ah Ee Uu Dalacsiiyay & Awoodii Maayirka Oo Lala Wareegay?

0
Sunday August 08, 2021 - 12:30:50 in by salman abdi
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Burco Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Dhiig-bax Ah Iyo Tiradda Shaqaalaha Beeshiisa Ah Ee Uu Dalacsiiyay & Awoodii Maayirka Oo Lala Wareegay?

    Maayirka Burco Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Dhiig-bax Ah Iyo Tiradda Shaqaalaha Beeshiisa Ah Ee Uu Dalacsiiyay & Awoodii Maayirka Oo Lala Wareegay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Burco Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Dhiig-bax Ah Iyo Tiradda Shaqaalaha Beeshiisa Ah Ee Uu Dalacsiiyay & Awoodii Maayirka Oo Lala Wareegay? Dalacsiinta Bedelida iyo Awood Dhimista Lagu Sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Burco intii uu xilka hayay maayirka cusub cabdirisaaq heero +Reeraha ay ka soo Jedaan.

Wararka ka soo baxaaya xaruunta Dawlada Hoose ee Degmada Burco Ayaa tilmaamaysa talaabo fajac gelisay bulshada oo ah in maayirka cusub ee burco u kala abtiriyo shaqaalaha islamarkaana xilal uu ku taxo shaqaalaha beeshiisa .

Talaabadan oo dhiig bax ku ah qaranka hankii iyo rajadii hogaaminta Bulshadu u qabtay golaha degaanka oo noqday hal bacaad lagu lisay.

Wararka irmannews ka helayso ilo xogagaal ah ayaa sheegaya Shaqaalaha Beesha Bariga ee D/Hoose ka shaqeeya oo boosaskii laga riixay ama awoodoodi la wiiqay Waxaana ay kala yihiin

1.Cabdi Cawil x Aadan oo ahaa madaxa xafiiska dhulka iyo kaydka dawlada hoose haddana shaqadiisi loo qaybiyay
Xasan Cali Xume "REER WEYD"Maamulka mulkiyadaha Dhulka Laga dhigay iyo maxamed aadan xaashi "muuse carre" oo loo dhiibay store iyo kaydka

Cabdi cawil Xaaji aadan Hadda mahayo wax shaqo ah marka laga tago inuu xafiiska furo ama xidho

2.Maxamuud cabdilaahhi oo ah Agaasimaha Cashuuraha waxaa la dul geeyay cabdilaahi cabdi faarax "Muuse ismacaiil" ah
3.Axmed Cabdi Dhiidhi oo ahaa kormeerka dhulka ayaa gabi ahaanba shaqadiisi lagu wareejiyay cabdikariin yuusuf maxamed "reer waraabe" Waxaa xusid mudan in ninkan la magacabay hadda uu kamid ahaa shaqaalihii shaqada ka tegay wakhtigii maayir maxamed muraad haddana laysugu daray magacow iyo dalacsiin grade A wadda socda.

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland ayaa hore amar qoraal ah ka soo saaray inaan muddo lix bilood ah la qori karin shaqaale balse talaabadan maayirka cusub qaaday ayaa noqonaysa in loogu jawaabay ninkii hadlayaaba ha iska hadlo.

4.Xisaabiyaha Degmada Burco Cabdilaahi Muuse Faqash oo aan waxba loo dirin shaqadiisina uu gebi ahaanba haysto agaasimaha maaliyada cabdi salaan suldaan aadan " Reer Xuseen"

Waxaa Warku intaa ku darayaan inuu miiska qaliinka saaran yahay madaxa jaangooyada iyo Farsamada Dawlada Hoose Diiriye Sugaale

Maayir kuxigeenka Degmada Burco oo u madax banaana arimaha dhulka ayaa la hareero dhigay hadda labo nin oo kala ah ismaciil cabdi dacar "reer caynaashe" lana qaabilsiiyay Dhulka Iyo Sharciyayntiisa Iyo Eng Maxamuud Ducaale " Muuse Ismaciil Ah" isna ku magacaaban Hubinta dhulka uu maayir ku xigeenku soo eego la'aantiina aanu maayirku saxeexin Mulkiyadaha.

Xigasho Irmaan News