Daawo Afshacabka Tv Dallada SYNA tabar Wacyigelinta Tahriibka Iyo Qabyaalda Furtay Qaar kamida Ardayda Dugsiyda Sare Ee Magaalada Burco

0
Sunday November 16, 2014 - 19:05:21 in by Burco Office
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Afshacabka Tv Dallada SYNA tabar Wacyigelinta Tahriibka Iyo Qabyaalda Furtay Qaar kamida Ardayda Dugsiyda Sare Ee Magaalada Burco

    Tabarkan Ay furtay Dallada SYNA Waxa ka oo Qayb gaay qaar kamida xildhibanda GOLAHA deeganka degmada, tabarkan waxa uu ku saabsanaaWacyigelinta Tahriibka iyo Qabyalda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tabarkan Ay furtay Dallada SYNA Waxa ka oo Qayb gaay qaar kamida xildhibanda GOLAHA deeganka degmada, tabarkan waxa uu ku saabsanaaWacyigelinta Tahriibka iyo Qabyalda
Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa Tababar Dhalinyarada lagaga wacyigelinayo Tahriibka iyo Qabyaaladda ku qabatay Magaalada Burco.

Tababarkan oo ay furitaankiisi ka soo qaybgaleen Xildhibaan Mubarik Bidhi oo ka mid ah Golaha Degaanka Burco iyo isuduwaha Wasaradda Duulista Hawada ee Gobolada Bari Cabdirisaq Siciid aya loo qabtay Ardayda Dugsiyada Sare ee Gobolka Togdheer.

Waxana Tababarkan oo ay ka qaybqaateen 20 Arday oo ka kala socday 10 kamid ah Dugsiyada Sare ee Gobolka ka hadlay Masuliyiinta Dallada SYNA oo sharaxay Ujeedka Tababarkan iyo muhiimadda uu Bulshada iyo gaar ahaan dhalinyarada Gobolka u leeyahay.

Mustafe Osman Abdirahman guddomiyaha Dallada SYNA oo ugu horeyn halkaas kahadlay ayaa sheegay in Iskuxidhnaan la’aanta dhalinyarada uu sababo Tahriibka iyo qabyaaladda , sido kalena ay muhiim tahay in dhalinyaro ahaan la isku waaniyo in magaca dhalinyarada uu inaga dhexeeyo ee aanay dhalinyaro qolo iyo qabiil toona kala lahayn, lagana feejignaado danaha siyaasiinta ku danaysta Dhalinyarada ee hadhowna inoo horseeda waxyaabo aynaan ka soo kaban ayu yidhi, waxa kale oo uu tilmaamay in tahriibku yahay aafooyin dhalinyaradii iminka saamayn ku yeeshay loona baahan yahahy in laga hortago waxa keliya ee lagu yarayn karo ama lagu istaajin karaana ay tahay in Dhalinyaradu iskaashato oo nususaacaha iyo kharashaadka yaryar ee ay haystaan isku darsadaan kuna abuurtaan Ganacsiyo yar yar oo shaqo abuur badan dhali kara.

Xildhiban Mubarik Bidhi iyo Cabdirisaq Sicid aya iyaguna so dhoweyey tababarkan ay Dallada SYNA u qabatay Dhalinyarada Gobolka Waxayna Dhalinyarada Dalka iyo Xukuumadda ba us oo jeediyeen inay la shaqeeyaan Dallada SYNA oo ah hormuudka Ururada Danaha Dhalinyarada ka shaqeeya.

Gebogabadiina Eng Maxbub Xusen Ismaciil ayaa halkaasi ku soo bandhigay Casharo ku saabsan tababarkani loo furay ardayda dugsiyada sare ee lagaga wacyigelinayey Qabyaladda iyo tahriibta, waxana Tababarkaasi la isku weydaarsaday Doodo iyo fikiro ku saabsan aafooyinkani dhalinyarada haysta, iyadoo Tababarkanina noqon dono mid saddexdii Bilood ba mar Ay Dallada SYNA ku qaban doonto Burco iyo Gobolada kaleba.



 

C/risaaq c/lahi Aadan (koronto)

 

Afkashacabka.Com

Burco/Office

koronto935@gmail.com