DegDeg: Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma oo lagu amray in uu xabsiga ku soo laabto

0
Thursday December 16, 2021 - 16:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DegDeg: Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma oo lagu amray in uu xabsiga ku soo laabto

    Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma oo lagu amray in uu xabsiga ku soo laabto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma oo lagu amray in uu xabsiga ku soo laabto

Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika ayaa amartay in madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma uu dib ugu laabto xabsiga, kaddib markii ay ka laabatay sii-dayn sharafeedkii caafimaad ee la siiyay horraantii sanadkan.

Zuma ayaa la sii daayay bishii Sebtembar kadib markii uu xabsiga ku jiray ilaa labo bilood oo ka mid ah 15 bilood oo lagu xukumay, kadib markii uu diiday amar ay soo saartay maxkamadda dastuuriga ah ee ahaa in uu maxkamadda horteeda ka marqaati furo guddiga gobolka ee baaraya eedeymaha musuqmaasuqa markii uu madaxweynaha ahaa 2009 ilaa 2018.

Arbacadii, maxkamadda sare ee Gauteng ee Pretoria ayaa xukuntay in sii-daynta sharafeedkii caafimaad ee Zuma la siiyay uu ahaa mid sharci darro ah maadaama ay ka soo horjeeddo talada guddiga cafimaadka.

Maxkamada ayaa xukuntay in Zuma uu dib ugu laabto xabsiga.

Sida go'aankan lagu sheegay, muddada uu Zuma ku qaatay meel ka baxsan xabsiga 'waa in aan lagu xisaabin' inay noqoto qayb ka mid ah xukunka ay maxkamadda ku ridday.

Xukunka ayaa dhabar jab dhanka sharciga ah ku ah Zuma, kaasoo sidoo kale wajahaya eedeymo musuqmaasuq oo la xiriira inuu laaluush ka qaatay shirkadda iibisa hubka Faransiiska ee Thales oo dalkiisu hubka ka iibsan jiray.



AP.