
Badhasaab ay Puntland u soo magacawday Buuhoodle oo kulamo la yeshay Garaadada Buuhodle iyo Xukuumada Somaliland oo aan weli ka hadlin
Badhasaab maamul goboleedka Puntland u soo magacawday Buuhoodle ayaa shalay soo gaadhay degmada Buuhoodle, kaas oo la sheegay inuu kulamo la yeeshay madax-dhaqameedyada iyo garaadada deegaankaasi.
Badhasaabka Puntland u soo magacawday Buuhoodle oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Aadan Carab oo la sheegay inay isku beel yihiin madaxweynekuxigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdillaahi Camay oo isaguna ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ayaa la sheegay inuu magaalada Buhoodle ka bilaabay ololayaal uu taageero ugu raadinayo maamul goboleedka Puntland
kaas oo ilo wareedyadu tibaaxeen in madaxdhaqameedyada iyo garaadada deegaanka Buuhoodle ee Somaliland dibad wareega ka ahi ay si buuxda ugu cadeeyeen in taageero balaadhan ay la garab taagan yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay iyo maamul goboleedka Puntland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Cabdiwali Gaas.
Ilo wareedyo goob joog ku ah magaalada Buuhoodle ayaa Haatuf u xaqiijiyay in maamul goboleedka Puntland wado qorshe uu ciidamo kaga qoranayo beelaha deegaanka Buuhoodle, ayaa ilo wareedyadu tibaaxeen in Badhasaabka laga soo magacaabay Garoowe la sheegay in arrimaha xilkan loogu soo magacabay uu salka ku hayo sidii degmada Buuhoodle uga abaabuli lahaa ciidamo ka amar qaata Puntland.
Dhinaca kale maamulka Garoowe ayaa muddooyinkan dambe wada gardarooyin in dhulka xuduudka Somaliland ay faragalin qaawan ku hayaan, balse ciidamada qaranka Somaliland ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqyada ay wadaan maamulkaasi, isla markaana ciidamada qaranku ay ku jiraan heegan culus.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Badhasaab ay Puntland u soo magacawday Buuhoodle oo kulamo la yeshay Garaadada Buuhodle iyo Xukuumada Somaliland oo aan weli ka hadlin
Badhasaabka Puntland u soo magacawday Buuhoodle oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Aadan Carab oo la sheegay inay isku beel yihiin madaxweynekuxigeenka